|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Deeganka Oo Beenisay In Ay Si Hoose Ganacsto Carbeed Ogolaanshiiyo U Siisay Dhoofinta Shimbiraha
September 14, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News) – Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaantay warar sheegayay in ay ogolaanshiiyo u siiyeen ganacsato carbeed ugaadhsiga Shimbiraha ku nool Somaliland. Sidaasna waxa warbaahinta maanta xafiiskiisa ku siiyay Agaasimaha Waaxda dhirta iyo daaqa ee Wasaaradaasi Maxamuud Guri Barwaaqo, ayaa
sheegay in warkaasu aanu ahayn mid sal iyo raad toona leh. Mr. Guri Barwaaqo waxa uu intaasi ku daray in Wasaaradda Deegaanka Somaliland aanay si qarsoodi ah iyo si toos ah toona u siinin ganacsato carbeed dhoofinta iyo Ugaadhsiga Shimbiraha iyo ugaadh kale. Waxa uu xusay in Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ay wareegto ka soo saartay adkaynta iyo waliba ilaalinta Duurjoogta Somaliland ku dhaqan.
Wajaale News Hargeysa Office wajalenews@gmail.com Related posts:Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Magaalo Xuduudeedka Wajaale Kulan kula Yeeshay Taliyaha Cii... "Madaxweynuhu Hargeysa Muu Ku Dabranyahay, Haleeyana Muu Daadhine"..Xildhibaan Wali Axmed Xaawo DAAWO;-Masuuliyiin Ka Hadlay Shakhsiyadii Marxuum Sayid Cismaan Mire Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|