|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftigii Wasiiradda Ee Xariirad U Joogay Xal U Helida Khilaaf Laba Ardaa Kala Irdheeyay Rajona Muujiyay
September 14, 2013 - Written by Wariye:
Waxa uu Wasiirku intaasi ku daray in odayadaasi ogolaanshiiyo loo siiyay in ay hoos ugu dhaadhacaan wixii tabasho ah ee ay tirsanayaan. Labada Beelood ee ay hore dirirtu u dhex martay ayaa mid waliba uu dhinaciisa ka ogolaaday in uu bixiyo hawshii aaska-dilalkii ka dhacay halkaasi. Waftigan durba gudo galay turxaan bixinta labadda beelood ee uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland ayaa waxa xubno ka ah Wasiiradda Shaqadda, Dib u dejinta, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda iyo Qorshaynta. Gabogabadiina Wasiirka Xanaanadda Xooluhu waxa uu xusay in ay hawshaasi u marayso meel fiican, waxaana lagu wadaa in uu soo gabogaboobo Maalinta Berri ah, hadii alle idmo.
Wajaale News Hargeysa Office wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|