|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftigii Somaliland Ee Wadanka Ethiopia U Tagay Hakadka Ku Yimid Diyaarada Ethiopian Airline Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Safaarada Ingiriiska Ku Leeyahay Addis Ababa Iyo Madaxda Shirkada Ethiopian Airline.
September 13, 2013 - Written by Wariye:
Kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Ingiriiska ee Dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay labada dhinac kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan iyo wada shaqaynta ka dhexaysa, waxaanay sidoo kale ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa arrimaha horumarinta. Weftigan Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade oo uu wehelinayo Wasirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cbdi, ayaa waxa ay sidoo kale Magaalada Addis Ababa kula kulmeen Masuuliyiinta shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiyaan Eirline, waxaanay kulankaasi kaga wada hadleen hakadka ku yimid duulimaadyadii Somaliland. Kulankan ay yeesheen Somaliland iyo Itoobiyan Eirline, ayaa waxa la iskula afgartay in wada xaajood ay ka yeeshaan arrintaasi, waxaanay kulan kale u ballameen labada dhinac maanta oo ay dib iskugu noqon doonaan, waxaana la filayaa inay kulankan maanta ka soo wada saari doonaan war-saxaafadeed ay u dhan yihiin iyo heshiis ay wada gaadheen.
Wajaale News Hargeysa Office wajalenews@gmail.com Related posts:“Muuse Doorasho Uu Qabanayo 13November Majirto, Kulamadan Iyo Waxan Uu Wadaana Waa Hoosaasin Iyo Bur... “Waxaan Kusoo Arkay Somaliland; "Haddii Aanu Reerkaagu Qaldanayn Oo Aan Been La Isku Sheegayn, Maxaa... DAAWO:Wasiir Xirsi Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Hankiisa Musharxnimo Ee Xisbiga Kulmiye Kana Jawaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|