Suldaan Hotelka Hargeysa Club haysta oo sheegay inaanu iibin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Hotelka Hargeysa Club haysta oo sheegay inaanu iibin
September 6, 2013 - Written by editor

Burco(Wajaalenews)Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ah Muwaadinka Kirada ugu jira Hudheelka ay dawladu leedahay ee Hargaysa Club ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Burco ku  beeniyay war lagu faafiyay Mareegaha qaar, kaasoo sheegayay in Hotelka ay dawladu iibisay isla markaana uu Suldaan siciid ka qaatay lacag hadhka lagaga iibsaday.

cluabSuldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa shir jaraa’id oo uu arintaas kaga hadlayo ku qabtay  magaalada Burco waxaana hadaladiisii  ka mid ahaa ”Waxaan rabaa in aan kaga jawaabo maqaalo isdaba joog ah oo ay qortay mareegta qaran oo ku saabsan arin aniga i khusaysa oo ka hadlaysa Hotelka dawladu leedahay ee la yidhaahdo hargaysa Club, laba sababood awgeed ayaan uga jawaabayaa, ta koowaad waa in aan runta u sheegno dadka, ta labaadna waxa weeye inaanu doonayno inaanu sharciga horkeeno website-ka la yidhaahdo qaran, waayo dadku xaquuq buu leeyahay saxaafaduna xuquuq bay leedahay, waayo waxa caado noqotay in dadkii shicibka ahaa ee caadiga ahaa  maalin walba been abuur laga qorayo.


Suldaan Siciid isagoo ka hadlaya qaabka uu huteelka ugu jiro iyo inaanay cidina iibin waxa uu yidhi ”Anigu waxaan hutelka ku haystaa liisan oo dawladii tan ka horaysay ee Daahir rayaale ayaa igu siisay,  sifo sharciyana waan ku qaatay xaqna waan u leeyahay hudheelkana dawladaa iska leh oo anigu waxaan ku haystaa liisankaas koontaraaga ah ee mudada leh ee  sharciga ah maalgalin baan ku samayn karaa, cida mar walbana dawladu kala xidhiidhaysaa waa aniga. waxaa la qoray in hudheelkaas dawladu iibisay oo lacag malaayiin ah la siiyay  oo shirkad laga iibiyay anigana lacag sadex Boqol oo kun ah lay siiyay, arintaasi waa arin been ah waxaan cadaynayaa inaan hutelka dawlada cid iibisay iyo cid ii timi toona aanay jirin, “ayuu kaga baxay suldaanku hadalkiisa .

Wajaale News Desk

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS