|
|||||
WAJAALE NEWS
Siilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 11aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe
September 8, 2013 - Written by editorSiilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii 11aad Qalinkii Libaan xaaji fagadhe
Shacbiga Somaliland tan iyo xiligii ay uguureen ama ay ku talaab sadeen axsaabta
DEELEY DAREENLEY Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynumilicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago . Shacbiga Somaliland tan iyo xiligii ay uguureen ama ay ku talaab sadeen axsaabta siyaasada una codeeyeen waxaa baa ba’day wixii la odhanjirey Qabiil waayo waxa loo guurey xisbiyo siyaasadeed hadaba hadii uu habkani sii jiri lahaa waxaa maanta Somaliland ka mid noqon laheyd dowladaha caalamiga ah ee dunida balse waa la baabiiyey oo waxa laga takhalusey sii socodka habkii axsaabta iyo dimuquraadiyada taasi oo Madaxweyne Siilaanyo bilaabay isagoo markaa mucaarid ah dalkana dib uga bilaabo shir beeleedyo kuwaas oo maanta keeney dhibaatooyinkan faraa badan ee dalkii ka dhex taagan. waa Shirkiikii Gar-adag 2008. waa kii ay Somaliland ku wayday maamul dowladeed iyo kala dambayn. Quraankeena kariimka ah waxa ku jira aayado la nasakhay ama la buriyay ka dib markii ay ka daba yimaadeen aayado halkoodii badalay, hadaba maalinta shirkaasi dhacay wixii ka dambeeyay waxa la nasaqay ama la buriyay distuurkii iyo qawaaniintii u daganaa Somaliland, halkiisiina waxa galay (Gar-adag Agreement) Maalintaa waxa isku milmay xisbigii, guurtidii, ganacsatadii iyo qabiilkii. waa goobta ama istaankii Xirsi ka soo raacay dawlada, waa ta keentay tuhunka laga qabo dowlad beeliwado. wadiga arkaya kala dambayn la’aanta taagan, shir beeleedyadan iska so daba dhacaya, salaadintan digreetooyinka so saaraya iyo shakhsiyaadkan ku faanaya awooda dowlada oo ay gaar isku siiyeen. Bal aynu dib ugu yara noqono SNM Toban nin ayaa ku dhawaaqey ilaa hada qaarkood way noolyihiin oo way inala joogaan ufiirso hada sanadkii 1982 Siilaanyo waxa uu tagey dalka maraykanka isagoo qudbad ka jeedinaayana oo ka hadlaaya dhaqdhaqaaqii SNM waxa uu yidhi(Mareer ayaa dowlad noqonkara ) .Ma tageen Siilaanyo ama matalaabeen ee waxa uu ka baqey xadhig ama inuu siyaad bare xidho ee geesinimo iyo gilgilasho toona kumay kalifin. Shirkan Gar adag waa ka ay maanta reerkastoo shirayaa ku hal qabsadaan waa ka kalifey in Somaliland laga ga dhawaaqo dowlad goboleedyo waxaad eegtaa oo kuugu filan magaca Gar adag wixii ka dhashey ama shirarka ka dambeeyaana waa Aafooyin iyo Afkalaqaad .Waa kii keeney shirkani dowlad goboleed in laga ga dhawaaqo somaliland isagoo reer waliba raba in uu gobolkiisa horjooge ka noqdo. Related posts:“Somaliland Waxa Ay Ka soo Hor jeeddaa Muddo Kordhinta Uu Isku Cumaamaday farmaajo Si La mid Ah Wadd... Madaxweynaha JSL Oo Qaabiley Haweenkii Ka Qayb Qaatey Tartankii Doorashooyinka Ee Wakiiladda Iyo De... Dawlada Emaaraadka Oo Fasaxday In Dadkii Uu Xanibay Covid_19 Dib Ugu Noqdaan Iyo Soomaaliya Oo Laga ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|