WAJAALE NEWS

Maxaa faa´ido ugu jirta shacabka xeerka horumarinta wadooyinka? By Abdalla Ciise

Talabaad : xoolaha loo iibgeeyo dalka dibadiisa iyadana waxa laga qaadi jiray cashuur 5% , waxa loo qeybin jiray laba meelood qeybi

Ugu horeyn waxa aan u mahad naqayaa bahda hadhwanaag news .

Marka xigta waxa wiigii u danbeeyay dalka ku dhex wareegayay xeerka wadamarista ee uu horkeenay baarlamanka wasiirka madaxtooyada xirsi ,waxa inbadan laga doodayay xeerkan iyo cashuurta sababta keentay in la kordhiyo

Bal aynu ka eegno dhinaca faa´idada , run ahaantii marka xeer la´ansixiyo waxa ay noqotaa laba miduun waa in uu dadka iyo dalkaba faa´ido ugu

jirto ama waa in ay dadka dhibaato ku keeni karto.

Cashuur kordhinta ay doonayso xukuumadu in lagu sameeyo xoolaha iyo gaadiidka wax faa´ido ah kuma jirto runtii laba sababood awgeed : waa ta horee gaadiidka dalka waxa markii hore laga qaadi jiray cashuur , cashuurtaa laga qaadayna runtii ma´aragno wado ay dawladu ku dhisto , laakiinse waxa aynu aragnaa wado ay dhisteen dadka xaafadu kadib markii ay dawladu gudan weydayhawshii loo igmaday ,sidaa daraadeed hadii cashuur lakordhiyo waxa dhib mudanayuun waa gaadiidlayda ,lacagtuna meeshay tii hore martay ayuunbay maraysaa .

Talabaad : xoolaha loo iibgeeyo dalka dibadiisa iyadana waxa laga qaadi jiray cashuur 5% , waxa loo qeybin jiray laba meelood qeybi waxa ay sitoosaa ugu dhici jirtay wasaarda maaliyada ,qeybina waxa ay ku hadhijirtay dekada , hadaynu eegno dekada way yartahay waxa lagu kordhiyay intii dalwadani haysatay marka loo eego lacagta xadigaa leeg , hadaynu eegno wasaardana ninkii xaqiiqada ka hadlayaa wuu ogyahay  lacagta halka lageeyo wasaarda iyo in dadka wax loogu qabto ama in siyaabo kale loo adeegsado  markaa taasina wax faa´ido ah oo ay shacabka iyo danyarta usoo kordhin karto majirto ,laakiin waxa ay kadaba tagaysaa kuwii hore.

Ugu danbeyntii waxa aan kula talinlahaa wasiirka iyo xukuumada sida ay u dhantahay in ay iska ilaaliyaan wixii sharaftooda iyo sumcadooda dhimaya ,wixii dadka iyo dalkaba dhibaato ku ah , xusuustana wixii aad dadka aad masuulka utihiin aad ka jartaan idinkana la´idin ka jarayo maalin aad uga baahi badantihiin.

Waa qalinkii:-

Abdalla Moham
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version