|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhismaha Jidka Turki Ee Gobalka Awdal Oo Mar Kale Loogu Deeqay Lacago Ka Yimid Ingiriiska Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa
September 5, 2013 - Written by Wariye:Boorama(Wajaale News)Sul. Abshir Muxumed Ducaale ayaa maanta mar kale la soo gaadhsiiyay deeq lacag ah oo dhan 950 doolar oo ka timid dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, taasi oo loogu talo galay inay qayb ka noqoto dhismaha jidka Turki. Lacagtan ayaa waxa suldaanka gudoonsiiyay Xil. Rooble Siciid Xoosh oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahad naqay dadka deeqdan soo diray waxana uu ku tilmaamay wadadan mid faaiido balaadhan u yeelan doonta dadka degaanka oo furfuri doonta dhaqaalaha iyo isku socodka waxana uu ugu baaqay dadka kale ee qurbojooga ah inay ka qayb qaataan dhimaha jidkaasi TURKI Sul. Abshir Maxamed Ducaale oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahad naqay Sucaad Mustafe Cabdiraxmaan Qaadi oo uu xusay inay iyadu ugu horayso lafdhabarna u tahay deeqaha ka imanaya qurbaha ee lagu dhisayo jidka TURKI, waxa kale oo uu mahad naqay dadka ka qaybqaatay dhismaha jidkan oo ay ugu dambeeyeen Cali iyo Guduudo, isaga oo eebe u baryay inuu ka abaal mariyo maalinta qiyaame, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay dadka kale ee qurbojooga ah inay ka soo qayb qaataan dhismaha jidka TURKI oo uu sheegay inuu meel fiican marayo. Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Related posts:Afhayeen Xuseen Dayr Masuulkii Ugu Asluubta Iyo Xidhiidhka Wanaagsan Afhayeenadii Soo Maray Madaxt... Siyaasiyiinta Gooni u Socodka ah Iyo Mucaaradka Aragtida Gaaban Ma Shaashayn Karaan Guulaha Geedi So... Daawo:Gudida Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Xiliga ay Diiwaan Galinta Cod bixiyuhu Ka Bilaab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|