Ceerigaabo Oo si rasmi ah Looga Bedelay Lacagtii Shilinka Somaliga iyo Lacagta Somaliland Shilling Oo ka Hir gashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceerigaabo Oo si rasmi ah Looga Bedelay Lacagtii Shilinka Somaliga iyo Lacagta Somaliland Shilling Oo ka Hir gashay
September 5, 2013 - Written by Wariye:

Ceerigaabo (Wajaale News) Lacagta Somali shilling ee Somaliya ayaa si rasmi

ah waxaa maanta looga bedelay magaalada ceerigaabo ee xarnuta gobolka

sanaag oo isticmaali jiray ayaa beryahanba dhibaato ka haysatay

bulshada deganka gobolka Sanaag? iyadoo ay lacag foojar ah oo laga

soo daabaco goboladda bari ee Puntland ay dhibaato wayn

ku hayso

bulshada gobolka Sanaag? gaar ahaan degmada Ceerigaabo ee Xarunta

gobolka Sanaag.

Si kastaba ha ahaatee, Wafti balaadhan oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha

Banka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa Saaka kormeer shaqo ku soo

maray 11 goobood? gudoomiyaha oo xarumahaas ka khudbadayey ayaa yidhi

waxay u jeedada yadu tahay oo socdaalka yagani daaran yahay in

lacagtii Giinbaarta ahayd ee gobolkan laga isticmaali jiray in laga

bedelo oo lacagta Somaliland la qaato? waxanu u qabanay waqti bedelka

lacagta muddo kooban oo ah 48 saac ama laba maalmood oo ku eg maalinta

jimcaha. Maalinta sabtida ee foodda inagu soo haysa ayaa la filayaa

in lacagta shilling Somaliland wax lagu kala iibsado dhamaan gobolka

Sanaag gaar ahaan Magaaladda Ceerigaabo? Waxay waftiga uu hogaaminaayo

gudoomiyaha Banka Somaliland u soo jeediyey bulshada reer ceerigaabo

mahadnaq balaadhan

Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu uga digay dadka talaabadaas lacagta

lagaga bedelayo ceerigaabo ka soo horjeesatana waxa laga qaadayaa

talaabo Sharciga waa faqsan

Isku soo wada duuduuboo bedelka lacagtan ayaa waxaa si wayn looga

dareemayaa magaalada ceerigaabo iyadoo Kunka Shilling ee Somaliland

lagu bedelayo Saddex kun oo shilling Somaliya. (1000

sh/sl===3000sh/s).

Gebo gebadii Socdaalka Gudoomiyaha Banka Somaliland ayaa ku soo

beegmaya xili ay maalimihii ugu danbeeyay magaalada ceerigaabo ka

jireen jaah wareer dhinaca lacagta Shilling ka somaliga, iyadoo ay soo

galeen suuqa lacago foojari ah kuwaasoo khal khal ku riday habsami

usocdkii ganacsiga iyadoo ay hore isaga bedeleen bedeleen lacagtan

shilling ka somaliga ah magaalooyin ku dhow dhow magalada ceerigaabo

kuwaasoo iskood u go?aansaday inay qaataan lacagta Somaliland

shilling

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS