WAJAALE NEWS

Basaska waanu joojin doonaa haddii la ansixiyo xeer ka lidka ku ah danyarta

Basaska waanu joojin doonaa haddii la ansixiyo xeer ka lidka ku ah danyarta!!!

Anaga oo ka mid ah gaadiid layda somaaliland gaar ahaan basaska waxaan halkani fariin digniin ah uga diraynaa golaha wakiilada Somaliland in ay ka digtoonaadan ansixinta xeerka wadooyinka oo sababi kara khatar dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba markaa waxan soo jeedinaynaa in xildhibaanada wakiiladu aanay dalka u horseedin jahawareer sidii hore ba aanu u sheegnay anagu waxaa naga go,an in aan bixino cashuurtii hore loo qaadi jiray .

Waxaanu leenahay yeeli mayno suurto galna maaha in cashuur aanan qaadi karayn lana saaro waa nasiib daro in maanta tani la nagu dayo haddii waddada la hagaajinayo hargaysa waddooyinkoodii waa baaba een markaa anagu ma aqabalayno arinkani .

Waxaan fariin u diraynaa madaxwaynaaha ,wakiilada ,guurtida ,iyo asxaabta mucaaridka iyo cidkasta oo ka damqanaysa danyarta in culays la saaro basaslayda aanu saari doon shacabka .

tusaale aan haddii cashuurtani timaado anagu xalka aanu haysanaa waa in aan baabuurta dhigno, ama shacabka ku kordhino 50% taasina waxay keeni kartaa in dadku kacaan oo mudaharaadyo rabsado wataan yimaadaan cadawguna ka faaiidayto taana diyaar uma nihin .

Waxaan mar labaad ka codsanaynaa golaha wakiilada in ay hor istaagan xeergani oo aan dan u ahayn danyarta walaalayaa waxaanu nahay dadkii idin soo doortay markaa naga daaya dhibta oo noo naxariista danta guud eega oo ta gaarka ah ha eegina .

ALLAA MAHAD LEH

NUUR AADAN JAMAC
axmedyasin@hotmail.com

Mid ka mid ah Basaslayaasha Somaliland

Exit mobile version