Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Sheegay Inay Salaadiintii Dhex Dhexaadinta Waday Kala Jabtay,Kana War Bixiyey Fikirka Golahooda Ee Wada Hadalka Xukuumada, Fariin Muhiimana U Diray Guud Ahaan Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo Sheegay Inay Salaadiintii Dhex Dhexaadinta Waday Kala Jabtay,Kana War Bixiyey Fikirka Golahooda Ee Wada Hadalka Xukuumada, Fariin Muhiimana U Diray Guud Ahaan Shacabka Somaliland.
August 5, 2013 - Written by editor

Hargeysa(HWN):-xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa sheegay in salaadiinta Somaliland ee isku xilqaamay hawshii dhex dhexaadinta golaha wada tashiga iyo xukuumada ay wali hawshii sugayso.

Hargeysa(WJN):-xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa sheegay in salaadiinta Somaliland ee isku xilqaamay hawshii dhex dhexaadinta golaha wada tashiga iyo xukuumada ay wali hawshii sugayso.

Xildhbiaan Saleebaan Cali Koore waxa uu sheegay inay ka go,an tahay golahooda inay qaadaan talaabo kasta oo shacabka Somaliland ku gaadhi karaan himiladooda  waxaanu ka war bixiyey kulamadii salaadiinta isaga oo tilmamay inay salaadiintii dhex dhexaadinta waday kala noqdeen laba garab waxaanu

ugu horayntiiba hadalkiisa ku bilaabay sidan ?

Qaabka ay umaddani ku higsan karto himiladeeda, waxaana naga go,an in si ay ku jirto anshax iyo asluub iyo wax wada lahaansho wax layskugu sheego oo hadyo jeer cunfiga iyo wax is daba marinta iyo erayada aan haboonayn ee ka baxa suuqa  in la yareeyo.?

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka war hadlay salaadiintii dhex dhexaadinta ka dhex waday golahooda iyo dhinaca xukuumada waxaanu  yidhi ? Anaga  salaadiin isku dhan oo tiradoodu gaadhayso lixdan ayaa noo yeedhay kuwaas ayaanu wax meel wada dhignay oo aanu ka wada hadalnay maslaxadii umada iyo waxay dantu ku jirto, wax dhibi ma jirto, haddii ay salaadiintu guddi iska saareen guddidu meeshii ay  ku war celin lahaayeen waa la  yaqaanaa oo waa salaadintii kale, cid kasta oo isku dayday inay yarayso khilaafaadka iyo waxyaalaha laysku hayo ixtiraam ayaanu u haynaa, caqligayagu waxa uu na siinayey  in salaadiintii aanu balanay iyaga oo isku dhan ay noo wada yeedhaan, salaadiintana ixtiraam ayaanu haynaa guud ahaan hawshiina wali way  idiin  taalaa ayaanu leenahay, madaxweynahana wax naga xidhayaa inaanu toos ula hadalno oo aanu wax ka wada hadalno  ma jiraan, salaadiintii badnayd ee karaamada lahayd-na waxaanu leenahay wali hawshii way idiin taalaa.?

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore waxa uu fariin u diray xubnaha xukuumada isaga oo shegay inay wadanka ka wada dhaxeeyo umadda isla markaana laga wada tashan karo ?Qolada dawlada iyo xukuumada waxaanu leenahay dalka waynu wada leenahay  oo waynu ka wada tashanaynaa  wax dhibi ma jirto xumaan aanu wadnaana ma jirto fikirka aynu iskugu imanaynaa waa inaynu  wax wada  toosino guud ahaan talada aanu u jeednaa waa noocaas

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore hadalkiisa sii wata  ayaa ka war bixiyey kulan dhex maray xunbo ka mida golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo xubno kale waxaanu ydihi ?Nimankii ay shalay kulmeen rag anaga naga mid ah fikirku waxa uu ahaa in sadex maalmood ama afar maalmood  oo Ciida wixii ka danbeeya laysku yimaado, sadexda maalmood ee cibaadadu badan tahayna lays dhaafiyo,

Meel shir jaraa,id laga qabto may oolin  meesha, suldaankuna wuu ka awood weyn yahay  qof shir jaraa,id qabta waayo waa shakhsigii la rabay inuu dhibaatadan yeesho awoodeeda oo uu wax badan qariyo haddii uu wax ogyahay saldanada macnaheeduna taas ayey ahayd, anaguna ixtiraam ayaanu u haynaa sulaadiinta cid ay albaabadayadu ka xidhan yihiin ma jirto?

Ugu danbayntii Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa fariin muhiim ah u diray guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo sheegay inaanay ka filin golahooda wax dalka wax yeelaya waxaanu yidhi ?Dadweynaha Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa  oo aanu leenahay xumaan iyo isxagxagasho iyo kalmado gaf ah oo warbaahinta layska yidhaahdo ha naga filina idinkana idinka fili mayno , cid kasta oo dalka u naxaysana laga fili maayo waana wada hadal iyo wax toosin.?

WAJAALE NEWS/OFFICE

Hargeisa Somaliland

Contact Us

COMMENTS
LINKS