Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Dhaliilay Hogaanka Ciidanka Police-ka, Soona Dhaweeyey Darajooyinka Lagu Taxay Ciidamada Asluubta,Qaranka Iyo Ilaalada Xeebaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Dhaliilay Hogaanka Ciidanka Police-ka, Soona Dhaweeyey Darajooyinka Lagu Taxay Ciidamada Asluubta,Qaranka Iyo Ilaalada Xeebaha.
August 11, 2013 - Written by editor

Ciidanka Police-ku waa ilaaliyaasha sharciga, waana ciidankii nabad galyada iyo amniga ilaalinayey, waxaan qabaa in gal daloolooyin badan leeyihiin, waxay u baahan yihiin dhisme, taliskooda guud-na waxa uu gabay

Hargeysa(HWN):-xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyey darajooyinka lagu taxay  ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu dhaliilay hogaanka ciidanka Police-ka Somaliland uu ku eedeeyey inay fursad siin waayeen dhalinyarada ku jirta ciidanka Police-ka ee u baahan yahay inay mustaqbal la wareegaan hawlaha ciidanka.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay in darajooyinka la siiyey ciidamada Asluubtas,Qaranka

Iyo Ilaalada Xeebaha ay  tahay mid si sax u dhacday balse waxa uu dhaliilay qaabka ciidanka Police-ka loo maray darajadooda.

 Ugu horayn xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka hadlaya darajooyinka ciidanka la siiyey waxa uu yidhi ?ciidamada asluubta, ciidamada ilaalada bada iyo ciidamada qaranka waxaan qabaa in 80% ay sax tahay sida loogu qaybiyey darajooyinka, cabasho lagama waayo meel wax lagu bilaabayo,  waxaanay ku xidhan tahay hogaanka ciidanka sida uu iskugu xidhan yahay, ciidanka qaranka, ciidanka Asluubta iyo ciidanka ilaalada bada waxa ka muuqata ciidanimo,

Hogaanka ciidamadaasi way ka qayb qaateen darajooyinka bixintooda marka laga tago guddida qiimaynta ee darajooyinka, waana arin ka fog qabiil oo ka fog fara galin kale.? Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo u waramayey HCTV.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka loo bixiyey darajooyinka ciidanka Police-ka Somaliland isaga oo dhaliilay hogaanka ciidanka Police-ka waxaanu yidhi ?Ciidanka Police-ku waa ilaaliyaasha sharciga, waana ciidankii nabad galyada iyo amniga ilaalinayey, waxaan qabaa in gal daloolooyin badan leeyihiin, waxay u baahan yihiin dhisme, taliskooda guud-na waxa uu gabay  inuu u diyaariyo sida ciidamada kale inamadii dhalinyarada ahaa ee saraakiisha daashay badali lahaa, waxaanu siin waayey fursadii ay ciidamada kale siiyeen  dhalinyaradooda ay u diyaarinayeen mustaqbalka, waana arin uu masuul ka yahay taliskoodu ee maaha mid u taala guddidan qiimaynta darajada ciidamada?

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu ugu danbayntii soo jeediyey inaan la siyaasadayn darajooyinka la siiyey ciidamada kala duwan ee Somaliland, isaga oo madax dhaqameedka iyo siyaasiyinta ugu baaqay inay bixinta darajada ciidamada kala duwan ee qaranka u daayaan masuuliyiinta xukuumada oo aanay faraha la soo gelin.

Wajaale news Desk

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS