|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday M Burco.
March 23, 2014 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Dawlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Dileen Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Siyium Musfin Iyo Saraaki... Daawo:Sanadka Sii Galbanaya Ee 2016 Dabaal Degyada Gaalnimada ah Ee ay Caadaysteen Somaalidu Iyo Wee... Urur Siyaasadeedka Iftiin Oo Balanqaad Culus Usameeyay Ciidamada Qalabka Sida Iyo Macalimiinta Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|