Wasiirka Caafimaadka oo furay Shir caalami ah oo ku wajahan isku duba ridka barnaamijyada adeega quudinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka oo furay Shir caalami ah oo ku wajahan isku duba ridka barnaamijyada adeega quudinta
August 19, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa (Wajaale News)Wasiirka Wasaaradda caafimaadka ee JSL MD Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta furay shir caalami ah oo ku saabsan isku dubaridka barnbaamijyada xidhiidhinta adeega quudinta ee xiliyada xaladaha degdega ah.

Kulankan oo socon doona muddo sadex malmood ah ayna ka qayb qaadanayaan hawlwadeeno caafimad oo ka kala yimid dalalka Somaliland iyo Somalia oo ay wehelinayan saraakiil caafimaad oo metelayey xafiisyada adeegyda quudinta ee magaalada Nairobi.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu sheegay inay Somaliland guul weyn u tahay in shir noocan oo kale ah lagu martigeliyo Somaliland, waxana uu sheegay in hay’adaha calamiga ahi ay soo dirsadaan dadkii go’anka u gaadhi lahaa xiliyada ay Somaliland samaynayso kulamada lagaga hadlyo xaaladda quudinta ee gobolka.

Md Saleebaan Ciise waxa uu lama huran ku tilmaamay in la xoojiyo dhinacyda ka hawlgala ka hortaga nafaqo darada isla markana ay hay’adaha calamiga ahi Somaliland ku daraan dalalka ay ka fuliyan barnaamijyada nafaqaynta, maadaama ay jiran ayuu yidhi wasiirku deegaano ka tirsan Somaliland oo looga baahan yahay nafaqaynta iyo quudinta caruurta.

Agasimaha Barnamijyada Quudinta ee Wasaradda Caafimaadka Dr Axmed Jaamac Muuse oo isna kulankaa ka hadlay waxa uu sharaxay in kulankan lagaga tashanayo sida xiliyada degdega ah loo maareyn karo barnamijyada xidhiidhinta adeegyda quudinta, isla markaana si qaabaysan la isugu dubborido.

Dr Axmed Jaamac waxa uu ka dalbaday hay’adaha calamiga ah iyo ka soo qayb galayaasha kale inay diyaar u noqdaan ka soo qaybgalka kulamada ay Somaliland u qabato   wadatashiga arimaha quudinta, kulamadaas oo sii socon doona tan iyo inta laga gadhayo xog dhamaystirn oo dariiq loo maro u banynaysa hagajinta xaldda quudineed ee Gobolka.

Wariye: CabdiQadir  CabdiRaxmaan  Habane

Wajaale News
Hargaisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS