Waxay culimada herer ku tilmaami jirtay in sida qofka nooliba uga wada kooban yahay ruux iyo jidh aanuu midkoodna ka maarmi karin
Waxaynu weli ku gudo jirnaa qaabkii culimada waaweyn loogu soo barbarian jiray magaalada Herer. Waayo taasi waxay inoo iftiiminaysaa shakhsiyadda SH.Yuusuf Awbarkhadle oo muddo dheer ka mid ahaa culimada Herer degenayd.sidoo kale waxay arrintaasi inoo iftiiminaysaa inaynu ogaanno qaabkiii uu u hawlgalay, markii uu bulshada soomaalida ku fidinayey diinta islaamka. Sidaynu hore u soo sheegnay waxbarashada diinta islaamka ee magaalada Herer waxay iskugu dhafnayd barashada cilmiga shariicada iyo barashada cilmiga tasawufka. Culimada diinta dhigtaana waxay ugu muuqatay in barashada cilmiga shariicada iyo barashada cilmiga tasawufku yihiin laba aan kala maarmin oo wada dhammaystiraya aqoonta diinta islaamka ee qofka wax baranaya. Waxayna rumaysnaayeen in barashada midkood ku keeni karto khataraha hawada naftiisa ee iscajabinta, magac jacaylka, istuska, islaweynida iyo madaxnimo jacaylka ee ay aqoonta diineed ee uu korodhsaday, iyo magaca weyn ee uu yeeshayba ku abuuri karaan naftiisa. Sidoo kale qofka tasawufka iska dhex gala tiiyoo aqoon qoto dheer aanuu u lahayn cilmiga shariicada, ama aanuu haysan sheikh hagaya oo u kala sheegaya qaladka iyo saxa, wuxuu halis u yahay inuu ka xadgudbo xuduudaha shariicada islaamka.
Waxay culimada herer ku tilmaami jirtay in sida qofka nooliba uga wada kooban yahay ruux iyo jidh aanuu midkoodna ka maarmi karin, uu sidaasi oo kale, sheekha buuxaana ugu wada baahan yahay barashada cilmiga shariicada iyo cilmiga tasawufka. Sidaasi awgeed ayey culimada diinta islaamka ka baranayey Herer, ee himiladoodu ahayd inay noqdaan sheikh ilaahay aad ugu dhow ayey labada marxaladoodba dhammaystiri jireen. Sida muuqata wuxuu SH.Yuusuf Awbarkhadle, ka yimid magaalada Makkaisagoo cilmiga shareecada muddo dheer ka soo dhigayey magaalada, aqoon qoto dheerna u leh cilmiga shareecada islaamka. Culimadii qarniyadii ugu horreyey ee hijrada u soo boqooshay dhiaca Geeska Afrikana sidaasi oo kale ayey wada ahaayeen. Dhidibadii waxbarasho ee ay taageen culimaadasina muddo dheer ayaa lagu barbaarinayey culimada iyo ardayda wax ka baranaysa magaalada Herer. Haatanna bal aannu yara kor xaadinno waxbarashadii magaalada Herer ee shareecada islaamka iyo tasawufkaba. Ta hore, qaabka barbaarinta marxaladda lagu baranayo aqoonta cilmiga shariicada waxaa lagu dhigi jiray masaajidka dhexdiisa. Sababta ugu weyn ee arrinkaasi looga jeedayna wuxuu ahaa in muddada ay ardaydu diinta baranayso, ay garab socoto cibaadada xilliyada salaadda oo idil lagu tukanayo jamaca masaajidka. Taasi laf ahaanteeda oo looga dan lahaa in ardaygu ku soo barbaaro, oo uu caadaysto in aanuu marnaba seegin salaada jamaca ee masaajidka. Waxa ardayda ku waajib ahaa in ugu horreyn ay aad u bartaan afka carabiga ka hor intaanay diinta barashadeeda guda gelin, tiiyoo luqadda iyo naxwaha afka carabiga la barayo. Waxa ku xigi jiray in barashada diinta islaamka looga soo bilaabi jiray meel hoose tiiyooo laga bari jiray kutub fudud. Kadibna tartiib tartiib ayaa kolba kitaabka xiga loo gudbin jiray, iyagoo baranaya cibaadaadka, mucaamalaadka, nikaaxa iwm. markaasi kadib ayaa loo gudbin jiray barashada axkaamta, oo kolba heer loo sii gudo geli jiray. Waxa taasi garab socon jiray kobcinta aqoontooda afka carabiga iyagoo baranaya naxwaha, sarfiga iyo balaaqada afkaba. Marka aqoonta diimeed ee ardaygu kobocdo ayaa loogu sii dari jiray barashada cilmi al mandaq. Barashada tafsiirka quraankuna waxay ahaan jirtay marxaladda ugu dambaysa kadib marka uu ardaygu gaadho heer sare oo uu si fiican u fahmi karo micnaha dhabta ah ee aayadaha quraanka.Haddii aynu u kuurgalno qaababkii waxbarashada cilmiga tasawufka ee Herer, marxaladda tasawufka ardayda u gudubta waxaa laga maarmaan ahaa inay ka mid noqdaan jamaacad go?an iyagoo raacaya dariiqada sheekha hoggaaminaya ee ku hagaya dariiqadaasi. muddadii u dhaxaysay qarnigii 3aad iyo qarnigii 7aadee hijrada ayey dariiqooyinka tasawufku aad u kobceen, xoogna ugu fideen dalalka muslimiinta.Marxaladdani tasawufka ee ay jidkeeda soo mareen culimadii ugu magaca weyneyd Geeska Afrika waxay ahayd mid u baahan qof alle ka cabsigu ku weynahay, karti iyo sabir leh, xooggan tahayna casiimadiisa waxbarasho. Waayo marxaladdani waxay xoogga saaraysay dikri xidhiidhsan, hurdo yaraan iyo cibaado aan kala go? lahayn. sidoo kale wuxuu sheekhu ardayda uu jidkani marinayo siin jiray werdi u baahan in muddo dheer lagu celceliyo.werdiga lagu celcelinayo iyo dikriga faraha badanina waxaa looga jeeday, ka sokow fadligooda, si qofku u caadaysto xusuusta ilaahay oo qalbigiisu u jeclaysto dikriga ilaahay oo keliya. Ku celcelinta kumanyaal werdi, oo muddo dheer oo gaadhaysa saacado badan lagu celcelinayo, waa mid ku adag nafta qof kasta bilowga hore, waana mid uu u dhabar adaygi karo, una adkaysan karo uun qof leh karti iyo sabir xooggani. Sida inoo muuqata wuxuu SH.Yuusuf Awbarkhadle u soo dhaqaaqay dhinaca bulshada soomaalida isagoo aqoon qoto dheer u leh shareecada, isla mar ahaantaasina muddo fara badan ku soo jiray cilmiga tasawufka ee magaalada Herer. Taas oo uu soo joogteeyey soomitaan badan, dikri xidhiidhsan iyo cibaado aan kala go? lahayn. waxaana muuqata xilligaasi sheikh gaadhay heer ilaahay aad ugu dhow, oo uu noqday qof ilaahay jecel yahay oo degdeg uga aqbalayo wixii uu weydiisto, sida ku cad xadiiska qudsiga ah ee nebigeeennii (NNKHA) laga soo weriyey, macnaha af-soomaaliguna yahay:
? faradka aan ku waajibiyey fadli ka weyn oo addoonku iigu soo dhawaadaa ma jiro. Markuu faradka guto, ayuu addoonku iigu sii dhawaadaa sunne iyo cibaado dheeraad ah illaa aan jeclaado. Markaan jeclaado waxaan addoonka u noqdaa maqal uu wax ku maqlo, arag uu wax ku arko, gacan uu cadawga ku muquuniyo iyo lugaha lagu tallaabsado, wuxuu I weydiistana waan siiyaa, Wuxuu iga magan galana, waan ka magan geliyaa?.