Lacagtii Somaliya ee Hore Uga Shaqayn Jirtay Magalada Ceerigaabo Oo Qaybo Ka Mid ah La Diiday iyo Saamaynta ay Bulshada ku Yeelatay Xili ay Dadwaynaha Reer Ceerigaabo si Wayn Ugu Dhegtaagayaan In Laga Badalo Lacagtaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lacagtii Somaliya ee Hore Uga Shaqayn Jirtay Magalada Ceerigaabo Oo Qaybo Ka Mid ah La Diiday iyo Saamaynta ay Bulshada ku Yeelatay Xili ay Dadwaynaha Reer Ceerigaabo si Wayn Ugu Dhegtaagayaan In Laga Badalo Lacagtaas.
August 21, 2013 - Written by editor

Ceerigaabo (WJN)waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada ceerigaabo si wayn looga

dareemay isbedel ku yimi dhinaca lacagta somali shilling taasoo 500

(shantii boqol Sh.) laga diiday gudaha magaalada ceerigaabo iyadoo

sidoo kalena laga diiday magalada boosaaso oo ganacsi ahaan ay isku

xidhan yihiin ceerigaabo

weriyaha Wajaalenews.com ee gobolka sanaag  oo

ii sheegay inay qaybo ka mid ah lacagtii hore uga shaqayn jirtray

magalada ceerigaabo la diiday walaw ay jiraan meelo qaadanaya

waxaa kale oo uu ii sheegay inay suuqa ku jiraan lacago cusub oo kunka

somaliga ah kaasoo tayo ahaan aad u hooseeya isla markaana ay dadku si

wayn uga walaacsan yihiin xaaladan ku timi isbedelka lacagta laga

isticmaalo magalada ceerigaabo iyadoo ay dadka reer ceerigaabo xiligan

si wayn ugu hanqal taagayaan hirgelinta lacagta Somaliland shilling oo

inta badan ka shaqaysa tuulooyinka iyo degmooyinka dhinaca galbeedka

ka soo xiga magaalada ceerigaabo kuwaasoo iyagu iskood isaga bedelay

ka dib markii ay dhibaatooyin badan kala kulmeen lacagta somali

shilling

maaha markii ugu horaysay ee ay dhibaatooyin noocan oo kale ah kala

kulmaan dadka ku dhaqan magalada ceerigaabo lacagta somali shilling,

waxaana ay dadka reer ceerigaabo mudahaarado iyo banaan baxyo ay kaga

soo horjeedaan lacagta Somali shilling ay hore uga dhigeen magalada

ceerigaabo xiligii xukuumadii Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin oo ay

doonayeen in lagu bedelo lacagta Somaliland shilling ayaan cidna dheg

jalaq u siin ilaa iyo haatan mana muuqato qorshe lacagta lagaga

bedelayo magalada ceerigaabo

xaaladan cakiran ee diidmada qayb ka mid ah lacagta shilling ka

Soomaaliga ah ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili ay jiraan warar

sheegaya in guud ahaan degaamada soomaliya ay soo galeen lacago la

foojari ah oo la soo daabacay, kuwaasoo halis iyo khatar ku noqon kara

guud ahaan dhaqaalaha bulshada

isku soo wada duuduuboo saamaynta iyo daabacaada lacagta shilling ka

Somaliga ah ayaa u muuqata mid halis ku ah bulshada adeegsata maadama

aanu jirin bangi dhexe oo la socda, waxaana dhowr mar loo soo daabacay

sifooyin sharci darro ah,

hadaba wixii warar ah ee ka soo kordha armahan lacagta waxaan

saacadaha soo socda idiin soo gudbin doonaa warbixino iyo waraysi aan

diirada ku saarayno saamaynta ay lacagtani ku yeelan karto bulshada

reer ceerigaabo iyo nawaaxigeeda

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS