|
|||||
WAJAALE NEWS
Isbeddelka iyo Horumarka ka Muuqda Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Hargeysa Warbixin Qaybtii 2aad
August 31, 2013 - Written by editorlaguna beddelay kuwo aan qaarkood laheyn aqoonta hawsha loo dhiibay, isla markaana loogu sii daray madaxbannaani aanay wax kontrool
Akhristayaal, intiinii la socotay qaybtii kowaad ee qormada cinwaankeedu kor ku xusan yahay oo ka warramaysay waxyaabaha u qabsoomay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhinaca maamulka arrimaha dhulka muddadii ay xilka hayeen golaha degaanka ee dhowaan la doortay. Qormadii labaad waxa aynnu qaddar yara milicsannaynaa horumarka muuqda ee dhawrkii bilood ee u dambeeyey laga gaadhay arrimaha dhulka caasimadda oo aad u murugsanaa ka hor golaha cusub, innagoo tilmaamo ka bixinayna burburkii ku dhacay maamulka dhulka markii ay soo dhowaatey muddadii xil-haynta golihii hore ee degaanka. Sidoo kale, waxaynnu hore u soo xusnay in inta badan shaqada laga caydhiyey joomitirradii ka baxay dugsigii Farsamada Gacanta
ee Hargeysa oo lagu baran jiray injineerinka arrimaha dhulka iyo dhismaha, laguna beddelay kuwo aan qaarkood laheyn aqoonta hawsha loo dhiibay, isla markaana loogu sii daray madaxbannaani aanay wax kontrool ah mareyn faylasha sharciga dhulka ee ay soo sameeyaan,waxana awooddii masuuliyadeed laga qaaday saraakiishii dhulka ee xarunta dhexe joogtay oo ah kuwii qaban lahaa khaladka farsamo ee uu galo joomitirka degmadu.
Arrintaasi waxa ay keentey in dhul badan oo hore dad loogu sharciyeeyey mar labaad loo sharciyeeyo qof kale. Waxa dhacay waddooyin muhiim ah hore u jiray oo sababo danaysi awgeed loo jaray. Waxa samaysmay kudlado isku dhafan oo kala gaar-gaar ah oo isku barbar dhaca awood ahaan. Joomitirka u hoggaansanaan waaya golaha degaanka ee tiisa daneed fulin waaya waa la eryi jirey, markaa waxa ku soo hadhay dawladda hoose farsamo-yaqaanno madiidin iska ah oo aan lahayn awood shaqo.
Haddaba, golahan dhallinyarada u badan ee hadda xilka hayaa waxay soo celiyeen awooddii shaqo ee uu lahaa joomitirku, waxaaney ku guubaabiyeen in aan la qasbi Karin, loona awood sheegan karin, balse nin walba lagula xisaabtami doono aqoonta iyo waddaniyadda uu muujiyo, waxana maamul ahaan la hoos geeyey agaasinka waaxda dhulka. Tallaabadaasi waxa ay firfircooni ku abuurtey shaqaalihii dhulka dawladda hoose ee caasimadda oo dhan, waana mid dadweynaha reer Hargeysa ku bogaadinayaan masuuliyiinta cusub. Nabarada kale ee arxan-darrada ah ee in lala dhayo u baahan golaha degaanka ee Hargeysa iyo mas´uuliyiinta dhulka waxa ka mid ah, biyo-mareennada caasimadda oo badankoodii la dhisay iyo jidad badan oo xaafadaha dhex mari jirey oo qaarna la gooyey kuwo kalena la yareeyey, taas oo sababta xilliyada roobabku da´yaan in marin-habow ku dhaco biyaha oo daadad xooggani jiidhaan meelo la deggan yahay. Waxa kale oo aan indhaha laga qarsan karin qaabka goonni-goonnida ah ee loo qorsheeyey dhulkii beeraha ahaa ee magaaladu gaadhey, iyadoo oo aanay labada beerood ee isku xigaa lahayn xidhiidh qorshe, sidoo kalena ku xidhnayn waddooyinkii jiray ee ka soo baxayey caasimadda. Sidii loo sixi lahaa inta aan dhisme rasmi ah laga sameyn waa hawl u taal xildhibaannada golaha degaanka ee cusub iyo masuuliyiinta dawladda hoose, kuwaas oo looga fadhiyo inay ku dhiirradaan saxitaanka qalloocyadaas, shacbiga reer Hargeysana waxa habboon in ay la fahmaan oo ay geestooda ka caawiyaan.
Waxa shaqsiyaad loo sharciyeeyey goobaha astaanta u ah magaalada ee degsiimadu ka reebban tahay, sida buuraha caanka ah ee Sheedaha, Naasa-hablood iyo buuraha dushooda oo keyd u ahaan jiray, wayaabaha dadka ka dhexeeya sida difaaca cirka, keydka qarsoon ee ciidammada iyo berkedaha biyaha ee mustaqbalka. La soco qaybo kale?..
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|