Haweenay ka mid ah qurbajooga Gabiley oo deeq lacageed soo Gaadhsiisay Gudida Horumarinta Gabiley oo Ganacta ku haysa Dhismaha Cusbitaalka Dhimirka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweenay ka mid ah qurbajooga Gabiley oo deeq lacageed soo Gaadhsiisay Gudida Horumarinta Gabiley oo Ganacta ku haysa Dhismaha Cusbitaalka Dhimirka Gabiley.
August 28, 2013 - Written by editor
Haweenay ka mid ah qurbajooga Gabiley oo deeq lacageed soo Gaadhsiisay Gudida Horumarinta Gabiley oo Ganacta ku haysa Dhismaha Cusbitaalka Dhimirka Gabiley.

 

Ururka Samokaal oo loo Aqoonsaday in noqdo gudida horumarinta gabiley ka dib markii ay qabteen waxyaabo badan ………….
.. Daawo Sawirro Aad U Tirro badan

Gabiley(WJN)Safiya muxumed aw axmed oo ka mida Qurba jooga Gobolka GaBiley ee ku dhaqan Wadanka UK gaar ahaan magaalada London kana mid ah xubnaha ugu firfircoon Qurbajooga Gobolka Gabiley ayaa deeq lacageed oo qadarkeedu dhnyahay $ 1900 soo gaadhsiisay dhakhtarka dhimirka gabiley oo wali dhismihiisu socdo .
Safiya Muxumed aw axmed ayaa deeqdani lacageed waxa ay ka soo ururisay Xaflad ay si shaqsi ah ugu Qabatay Magaalada London .
xaflada ay safiya muxumed ku gudoonsiinaysay Ururka samakaal ee gacanta ku haya dhismaha Cusbitaalka dhimirka ee Gobolka Gabiley ayaa ka Qabsoontay Xafiiska Maayarka Magaalada Gabiley .
Waxaa Ka soo qaybgalay Maayarka magaaladda Gabiley Shucayb maxamed muuse , Xildhibaan Maxamed-Amiin Cumar Dheere , Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi , Caaqil Weerar , Gudoomisadda Ururka NOW sahra cabdi Buuni , Guoomiyaha Garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye Safiya aw Aadan Meecaad , Maryan Xadi Axmed , Gudoomiyaha ururka Sama-kaal Kayse Xaaji Muuse Cilmi iyo Marti shraf kale oo aad u tiro badan .
DSC00586
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley gudoomiyaha ururka samo-kaal keyse xaaji muuse cilmi, waxaanu u mahadcelieyey safiya muxumed, waxaanu dadweynaha reerr gabiley ka codsadey inay muujiyaan isku duubni iyo wada jir, waxaanu sheegay ina wasiirka caafimaadka Somaliland ka damaanad qaadey dhamaystirka cisbitaalka dhimirka
Xildhibaan cibaado maax cilmi ,iyo xildhibaan maxamed aamiin cumar cabdi oo halkaasi ka Hadley ayaa si weyn ugu mahad naqay safiya muxumed , waxaaney maamulka gobolka ka codsadeen inay dhamaan ururada ka hawlgal gobolka gabiley ay ku dabada feylaan ururka samo-kaal , waxaaney balan qaadeen inay si wanaagsan oo hiil iyo hooba ula sheqeeyaan ururka, waxaaney qurbajoog ugu baaqeen inay midoobaan oo ay ka sheqeeyaan horumarka gobolka gabiley.
DSC00555Maryan xadi ,gudoomiyaha ururka now sahra cabdi buuni, safiya aw aadan meecaad, oo halkaasi ka Hadley ayaa dhamaan tood ku dheeraadey sida ay lagama maarmaanka u tahay isku duubnimada iyo wadajir dadweynaha reer gabiley,waxaaney balan qaadeen inay intii karaankooda ah ay wadayaan horumarka gobolka gabiley, waxaneyna u mmahadnaqeen ururka samo-kaal, ee gacanta ku haya dhismaha cisbitaalka dhimirka ee gabiley, waxaaney halkaasi uga duceeyeen safiya muxumed oo keentey deeq lacageed

Caaqil maxamed c/laahi xareed, sh. Ismaaciil, oo iyagun ka mid ah ururka samo-kaal ayaa ka warbxiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu cisbitaalka dhimirku soo marey, waxaaney u mahadnaqeen safiya muxumed, waxaney jaaliayadaha qurbajoog ee reer gabiley ka codsadeen inay u midoobaan horumarka gobolkooda.

Safiya muxumed aw axmed oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtey inay aad ugu faraxsan tahay inay gobalkeedii kusoo gurya noqoto, waxaana balan qaadey inay halkaasi kasii wadi doonato taakuleynta iyo taageerada ay u hayso gobolkeeda, waxaaney hakaasi lacagtii ku gudoonsiisay maayerka degmada gabiley iyo gudoomiyaha ururka samo-kaal.
DSC00591
Gabogabdii waxaa halkaasi ka Hadley maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse, waxaanu halkaasi uga duceeyey safiya muxumed iyo masuuliyiinta ururka samo-kaal, waxaanu halkaasi ka yeedhiyey liiska jaaliyadaha qurbajoog reer gabiley ee mudooyinkii u dambeeyey deeqaha lacageed soo dirayey, waxaanu baaq culus u direy dadweynaha reer gabiley inay u midoobaan horumarka gobolka gabiley, waxaanu ka dhawaajiyey inay dhawaan qaban doonaan shirk u saabsan sidii dib loogu furi lahaa madaarka kalabaydha ee ay diyaaraduhu ka haadaan.
DSC00544
DSC00575
DSC00566
DSC00562

 

 

Wajaale News Desk

 

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS