WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Oo Xabsiga Ku Guraya Tagsiileyaasha Ka Shaqeeya Madarka Hargeysa,Kootana Ugu Xidhay In Ay Madarka Ka Shaqayso Shirkadd Uu Wasiirkii Hore Ee Boosaha Sheer Ku Leeyahay+Darawaliin Maalintii Lixaad Xabsiga Ku Jira.
January 6, 2014 - Written by Wariye:
Hargeysa(Wajaale News):-Qaar ka mid ah darawaliinta tagaasida ka shaqaysa Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, ayaa ku Eedeeyay Wasiirka Wasaaradda duulista, hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi inuu kooto ugu xidho shirkad la yidhaahdo Raaxo Taxi oo uu sheer ku leeyahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Axmed Xaasho Oday.
Isla markaana waxay sheegeen in maalintii Axada ee todobaadkan qaar ka mid ah darawaliintooda iyo sagaal Tagsi xidh-xidhay Wasiirka duulista, halka afar ka mid ahna 6 maalmood ay Saldhiga dhexe ku xidhan yihiin ee magaaladda Hargeysa.
Idiris Saleebaan Maxamed, Ayuub Aadan Warsame iyo Maxamed Jaamac oo u waramay warbaahina,ayaa sheegay inay ka cabanayaan Wasiirka duulista oo meeshii bariiska uga soo saari-jireen carruurtooda uu maanta doonaayo inuu kooto ugu xidho Wasiir hore uga mid ahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana waxay Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsadeen inay wax ka qabtaan arrintooda.
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Idir Saleebaan Maxamed oo ka mid ah darawaliinta tagaasida madaarka Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxa maalintii lixaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa afar nin oo ka mid ah darawaliintayada Tagaasida ee ka shaqaysata madaarka Hargeysa. Runti waxa jira raga qaar 15 sanno ka shaqaynaayey oo aan maanta garanayn meel kale oo ay u camal tagaan, waxaana inta badan suuqii tagaasidii hore ka qaatay Raaxo Taxi.
Madaxweyne Siilaanyo waxaanu ka codsanaynaa inuu naga qabto dhibaatada Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi nagu hayo oo maanta meeshii aanu bariiska kala soo baxaynay carruurtayadana uga soo saari-jirin iyo Iskuuladooda uu doonaayo maanta inuu kooto ugu xidho hal qof oo ah , kaasoo ah Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Axmed Xaasho Oday, shirkadana waxa uu ku leeyahay sheer, lana yidhaahdo Raaxo taxi.
Waxaas oo dhan Wasiirka duulistu waxa uu u samaynayaa waxa weeye marka runta la sheego waxay isku beel yihiin Layla oo ahayd garabkii haweenka Kulmiye oo lug ku leh arrinta oo Wasiirka ku qasbaysa inuu kooto ugu xidho.” Maxamed Jaamac oo isaguna ka hadlay arrintan waxa uu yidhi, “Waxa nasiib-daro ah in Baarlamaankii dooranay ay ka hadliwayaan dhibaatada iyo tacadiga ay nagu samaynayaan Taliyaha ciidanka madaarka Hargeysa oo maalin walba nagu haya garaac iyo xadhig lagula kacaayo kii hadlaba, taasoo sabab u tahay anagu waxaanu u soo camal tagnaa subaxii innaanu madaarka ka helno qof soo dagay, haddii aanu garanayno meel kale waanu is-kaga tagilahayn.
Axadii shalay (doraato), waxa la xidhay ilaa shan kale oo naga mid ah.” markaa immika Wasiirkina waxa uu leeyahay waxaad u ogolaataan khamiista iyo Jimcaha. Waxaanu ku diidanahay Tagaasidan yar-yar ee immika soo baxday dhamaan waxay suuqa ka saartay Maarka tuugii waligii dadka qaadi jiray iyo Tagaasibadan, markaa waxa dalka ka jirta wax lalayaabo oo nin masuul dalka ka soo noqday oo lacag leh oo magacna leh ayaa masaakiintii u soo dhigtay halkii ay noloshooda kala soo baxayeen,”ayuu yidhi Maxamed Jaamac oo ka tirsan darawaliinta madaarka Cigaal International Airport.
Ayuub Aadan Warsame oo isaguna ka mid ahaa darawaliinta Madaarkaas, ayaa ugu baaqay Golaha Wakiilada inay wax ka qabtaan xaalada soo food-saartay noloshooda, waxaanu yidhi, “Wasiirka duulista cid naga qabata miyaa laga waayay Golahan Baarlamaankii aanu dooranay ah, waayo maantana waxa uu doonayaa inuu kooto ugu xidhi Oday oo ahaa Wasiir xukuumadda Siilaanyo ahaan jiray iyo Xisbiga Kulmiye, hantida uu leeyahayna maanta la og-yahay, balse waxa nasiib-daro ah in meel boqolaal qoys Ubadkooda lagu biiliyo, Iskuuladana lagaga bixiyo ayaa la doonayaa in qof ganacsado ah kooto loogu xidho.
Waxaana weeye meel waalidkood tobanka sanno iyo in kabadan ku biilin jiray in awood kursi lagaga qaado.” “Haddii wax laga qaban waayo tacadiga iyo dhibaatada nahaysta ee soo food-saartay noloshayada, waxaanu samayn doonaa innaanu tagaasida oo dhan ku hor gubno Madaarka Hargeysa ee Cigaal.
Sababtoo ah madaxdii ay doorteen ayaa sidaas u galaysa oo meel boqolaal qos ku noolaayeen qof kaliya doonaysa inuu ka ceesho, waxaana ku cadaynaysa in dadka aan lahayn awooda iyo dhaqaaleba maanta laga jecelyahay dalka Somaliland, laakiin ka hantida leh oo wax walba loo samaynaayo.
AXadiina waxa la xidhay qaar badan oo shaqadii yarayd ee aanu maalin-na qof helaynay, maalina waayno in shakhsiyaad dan laga leeyahay ama lacag yar xukuumaddu ka qaaday in kooto loogu xidho meel ummad dhan ku ceeshaysay.” Dhinaca kale waxaanu isku daynay innaanu khadka Telifoonka kula xidhiidhno Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Caashi Cabdi ayaa isagu afka ka xidhay in uu si toosa ah uga hadlo arrintan.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane
Related
COMMENTS
|