Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Shaqaaqada Ka Dhacday Deegaanka Degmada Oog, Dhanbaal Tacsi Ahna U Diray Ehelada Suldaan Bare Warsame Shire. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Shaqaaqada Ka Dhacday Deegaanka Degmada Oog, Dhanbaal Tacsi Ahna U Diray Ehelada Suldaan Bare Warsame Shire.
August 22, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale Hargeisa)-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray beelaha reer Somaliland ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Bad Heerin oo ka tirsan degmada Oog ee gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo maanta xafiiskiisa warbixin kooban oo ku saabsan shaqaaqadan ku siiyey shabakada Hadhwanaagnews ayaa waxa kale oo uu dhanbaal tacsi ah u diray ehelada,qaraabadii iyo shacbiweynaha Somaliland ee uu ka geeriyooday Suldaan Bare Warsame Shire.

Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Waddani oo ka hadlaya shaqaaqada beelaha walaalaha ah ku dhex martay deegaanka Bad Heerin ee degmada Oog ayaa waxa uu yidhi ?Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa  beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolada Sool iyo Sanaag kuwaas oo ay shaqaaqo ku dhex martay goob la yidhaa Bad Heerin  Oo ka tirsan degmada Oog, halkaas waxa ku dhintay dad muwaadiiniin reer Somaliland ah oo labada dhinacba ka tirsan, waxaana ku dhaawacmay dad kale. 

Waxaan u soo jeedinayaa beelaha walaalaha in nabad loo soo noqdo oo wixii arina lagu dhameeyo wada hadal in walaaltinimada iyo deegaanka loo soo noqdo, waxa kale oo aan u soo jeedinayaa xukuumada in la sugo amniga halkaas, waxaanan rajaynayaa inay beelaha walaalaha ahi u dhaga nuglaadaan gurmadka uga yimid walaalahooda gobolada kale ee dalka iyo masuuliyiinta xukuumada ka socda.

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehelada,qaraabada iyo shacbiweynaha Somaliland geerida Suldaan Bare Warsame Shire waxaanu yidhi ?Waxa kale oo aan halkan tacsi uga dirayaa ehelada iyo qaraabada Suldaan  Bare Warsame Shire oo ku geeriyooday daad  ku qaaday dooxa Dacar Budhuq  isaga oo ku sii socda nabadaynta beelaha walaalaha ah ee halkaa isku dilay, ilaahay  isagana naxariistiisii jano ha ka waraabiyo shacbiweynaha  Somaliland samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Waddani.

 

Wajaale News

Office :Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS