|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhalinyarada GCC HANA-QAAD ayaa waxaa ay olole nadaafadeed ka sameeyeen qaybo ka mid ah xaafada October ee Magaalada Ceerigaabo waxayna dhalinyaradani xooga ku saarayeen sidii ay qayb laxaadle uga qaadan lahaayeen doorka wadaniyadeed ee ka saaran dadkooda iyo dalkoodaba
August 25, 2013 - Written by Wariye:Ceerigaabo(Wajaale News)-Dhalinyarada GCC HANA-QAAD ayaa waxaa ay olole nadaafadeed ka sameeyeen qaybo ka mid ah xaafada October ee Magaalada Ceerigaabo waxayna dhalinyaradani xooga ku saarayeen sidii ay qayb laxaadle uga qaadan lahaayeen doorka wadaniyadeed ee ka saaran dadkooda iyo dalkoodaba, waxaana ay qayb ka ahayd barnaamij mutadawacnimo ah oo ay dhalinyaradani doonayaan inay ugu adeegaan bulshadooda maadaama ay 0in 10pt”>yihiin dhalinyaro aqoon yahano ah oo isu xil saaray inay si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan bulshadooda waxaana dhalinyaradan hogaaminayay Isu-duwaha Dallada Dhalinyarada ee SONYO ee Gobolka Sanaag Mudane Xasan C/raxmaan Xirsi oo ka warbixiyay sida ay ku timi hawshan waxaana uu ku bilaabay hadalkiisa sidatan Ugu horayn waxaan u mahad naqayaa Allaah oo na solonsiiyay inaan hawshan muhiimka ah u qabano bulshadayada, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa Dallada dhalinyarada ee SONYO iyo Hay?ada Mercy Corps oo runtii nagu tabaaray Barnaamijkan Global Citizen Corps GCC HANAQAAD oo ujeedadiisa ugu wayni tahay ahmiyada ay wadaniyadu leedahay iyo sidii aan wadankeena si mutadawacnimo ah ugu shaqayn lahayn maadama aanu wadankayga wax u baranay qof kastoo muwaadin ahina ay masuuliyadi ka saaran tahay wadankiisa, Maanta waan ku faanaa Somaliland, balse inaan ka faano maaha wax kasta oo wadanka wax u dhimaya oo ay ka mid tahay qashinka oo halis caafimaad darro ku ah bulshada sidoo kalena wax u dhimaya bilicda magaalada, inkastoo ay magaalada ceerigaabo tahay magalada ugu nadaafada wanaagsan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay taa amaanteeda iyo wax qabadkeeda leedahay dawlada hoose ee magaalada ceerigaabo oo u hagar baxday tayaynta nadaafada, ayaa hadana waxa cid walba waajib ku tahay inay dawlada hoose kala shaqayso bilicda magaalada Aniga iyo dhalinyaradan ila shaqaynaysaana waxaa naga go?an inaanu sii wadno dadaalkayga kana jawaabno xirfada iyo aqoon korodhsiga ay noo sameeyeen dallada dhalinyarada SONYO iyo Hay?ada Mercy corps oo maanta guud ahaan dhalinyaradii nala wada tababaray ee gobolada kalena ay si fir fircoon uga qayb qaadanayaan inay si mutadawacnimo iyo wadaniyadi ku dheehan tahay ugu shaqeeyaan bulshadooda si dhalinyarada kalena ugu daydaan oo u dareemaan inay dalkan iyagu iska leeyihiin oo ay waqti ka mida waqtigooda geliyaan u adeegida dadka iyo dalka Isku soo wada duuduuboo ololahan nadaafada ee kooxdan GCC-HANAQAAD ayaa ku soo beegmaya xili ay kaalin fir-fircoon kaga jiraan dhalinyarada Somaliland in ka badan 10 wadan oo uu ka hir galay barnaamijkan GCC iyadoo Somaliland markii ugu horaysay laga hir geliyay sanadkii 2012 oo ay dhalinyaradii loo tababaray si wayn uga dhex muuqdeen dalalka uu ka shaqeeyo GCC-gu ayaa waxa laba ka mid ah dhalinyarada Somaliland iyo madaxa Somaliland ee GCC- mercy corps ay badhtamihii Sanadkan shir caalami ah uga qayb galeen wadanka Tunisa iyagoo metelaya wadanka Somaliland, waxaana ay halkaa ka jeediyeen khudbado iyo bandhig dhaqameed ka turjumaya dalka Somaliland iyo taariikhdiisa, iyadoo goobta shirka guud ahaan uu si wayn uga dhex muuqday astaanta calanka Jamhuuriyada Somaliland
Wajaale News Office Hargeisa/Somaliland Email: Wajalenews@gmail.com Related posts:“Waxaynu Isku Haynaa, Waa Kuraasta Aynu Kala Riixano, Ee Iskuma Hayno Jiritaanka Somaliland”Gudoomiy... Madaxwaynaha Jsl Oo Kormeeray Goobo Caasimada Kamid Ah Oo Roobabkii Khasaare Soo Gaadhsiiyeen. Daawo:Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Wadani Ambasador Maxamed Cali Oo Gurigiisa Boorama K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|