DAAWO SAWIRADDA- Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kampala Soo Gaadhay Iyo Madaxweynayaasha Somaliya. Jibouti, Burundi, Sierra Leone Iyo Kenya Oo Kampala Kaga Qayb Galaya Shir Soomaaliya Ku Saabsan Oo Maanta Furmaya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO SAWIRADDA- Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kampala Soo Gaadhay Iyo Madaxweynayaasha Somaliya. Jibouti, Burundi, Sierra Leone Iyo Kenya Oo Kampala Kaga Qayb Galaya Shir Soomaaliya Ku Saabsan Oo Maanta Furmaya.
August 4, 2013 - Written by editor

Kampala-(WJN)-Waxa iyana Kampala ku sii sugnayd Marwo Foosiya Xaaji Aadam

 

Kampala-(WJN)-Madaxweynaha  dalka Soomaaliya, Hasan Sheikh Mahamoud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaadhay caasimadda dalka Uganda ee Kampala halkaas oo ay kaga

qayb geli doonaan shirka beri uga furmaya magaaladda Kampala wadamadda ay ciidamada AMISOM ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya oo gudoomin doono Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, waxaanu waftigu isla maanta galinkii danbe uu la kulmay Madaxweynaha dalka Uganda.

Madaxweye Xassan oo dalka Uganda joogi doona muddo Laba maalmood ah ayaa waxa safarkiisan ku weheliya Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale, waxaana Waftigan ka sii horeeyay oo ku sii sugnayd magaalada Kampala Wasiiradda Khaarajiga ee Soomaliya Marwo Foosiya Xaaji Aadan oo ka qayb gashay kulamkii gogolol xaadhka ahaa ee Wasiiradda Kahaarajiga ee wadamadda ciidamadda AMISOM ka joogaan ay Kampala ku yeesheen.

Sidoo kale waxa shirkan ka qayb geli doona Madaxweynayaasha wadamadda ay ciidamadda nabad illaalinta ee AMISOM ay ka joogaan dalka Soomaliya oo kala ah Madaxweynayaasha dalalka Jamhuuriyadda Jibouti: Uganda, Burundi, Sierra Leone, Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu ka hadli doono shirkan lagu falanqaynayo ajandayaasha ku wajahan Soomaaliya iyo mandaqadaba, waxaana ku soo dhaweeyay madax sarsare oo ka tirsan xukuumadda dalka Uganda iyo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

** KALA SOCO SACADAHA  SOO SOCDA KULANADA KA DHICI DOONA CAMPALA OO AY SI TOOSA IDINKU SO TABINDOONTO SHABAKADA WARAR WAJAALENEWS.COM  AMA  .NET
Wajaale News DESK
Campala Office
COMMENTS
LINKS