WAJAALE NEWS

Qodobada madaxweyne Siilaanyo uu ku fashilmay iyo balanqaadyadiisii dhicisoobay

Waxaa hore loo yidhi CiRridkaan arkayo ilko kama soo jeedaan,Qaybtii:2aad Suxufi Maxamed Sagax

Waxaa hore loo yidhi CiRridkaan arkayo ilko kama soo jeedaan,

1.    Madaxweyne Axmed Maxmaed Maxamuud Siilaanyo oo la filayay inu maarayn doono shaqaaqooyinkii iyo muranadii ka taagnaa deegaanada Ceel-bardaale ee galbeedka Gabilay oo uu guddina u saaray xalintooda ayaa ku guuldaraystay inuu xaliyo xaaladaha ka taagan deegaanadaasi oo Somaliland ku noqday boog xun, isla markaana hawlgaladii xukuumada Kulmiye ee ku wajahnaa deegaanada Ceel-bardaale ay ku dambeeyeen Foosto gun la?.

2.    Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo la filayay inay maamulka dawliga ah gaadhsiin doonto deegaanada Buuhoodle iyo gobolka Sool ee aanu gaadhin maamulku, ayaa guuldaradeedii ay keentay in Jabhad hubaysani

ay maamul gaara kaga dhawaaqaan deegaanada Taleex ee gobolka Sool, oo ay vsi rasmiya gacanta ugu hayaan maamulka isku magacaabay Khaatumo, iyadoo sidoo kalena gogoshii nabadeed ee madaxweyne Siilaanyo u fidiyay Garaadada Dhulbahante ay dhashay in ciidamada qaranka ee ku sugnaa deegaanada duleedka degmada Buhoodle in loo soo raro deegaanada Qori-lugud iyo Kalshaale, taas oo ilaa hada aanu maamulka Somaliland si dhaba uga taaba galin degmada Buuhoodle, oo muddo dheer go?doon kaga jirtay, ayaa la odhan karaa xukuumada Madaxweyne siilaanyo halkii ay taagnaayeen deegaanada Buuhoodle way uga sii dartay.

;la soco?.

 Wariye Maxamed Sagax 4417664

 

Exit mobile version