|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta Xukun iyo Ganaax ku riday Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal
July 3, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaale News)- maxkamada Gobolka Hargeysa Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir, ayaa Maanta xukun ku riday masuuliyiinta wargeysa madaxa banaan ee Hubaal. Maxkamada degmada Hargeysa ayaa xukunka ku riday laba masuul oo ka tirsan wargeysa hubaal kuwaas oo kala ah Mareeyaha wargeysa Hubaal Maxamed Axmed Jaamac Caloolay oo ay maxkamadu ku riday hal sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo lacagta Somaliland ah taa soo looga dhigay ganaax, halka tafatiraha wargeysa Hubaal-na la dul dhigay labasano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukumay masuuliyiinta wargeysa Hubaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wargeysa Hubaal ku cadaatay in uu sammeeyey Been abuur, Aflagaado iyo Wanjalaad. Dhawaaqa ka soo yeedhay Maxkamada ayaa ah mid la buun buuniyay isla markaana la bedelay guud ahaanba waxa wargeyskaasi lagu haysto. Masuuliyiinta Wargeysaka Hubaal ayaa isla maantaba Xabsiga loo taxaabay arintaasi oo fajac iyo yaab dhalisay kana cadhaysiisay guud ahaanba Saxaafada Madaxa bannaan ee ka hawl gashaDalka Somaliland. Waxana isla markiiba Falkaasi si kulul u canbaareeyey Masuuliyiinta Axsaabta Mucaaridka ah ee Dalka, sida Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen iyo Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani. Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland Related posts:"Madaxwayne Siilanyo Waa Madaxwayne Hadana Waa Maxbuus Garbaduub Ugu Xidhan Laba Shakhsi"Mujaahid Ca... Isbahaysi Ka Dhan ah Raysal Wasaare Abiye Axmed Oo Lagu Dhawaaqay iyo Xaaladihii ugu Danbeeyey Dagaa... DAAWO;-Siyaasiyiin Dhaliilay Qaabkii Madaxwayne Biixi Uga Goys Adaygay Codsigii Ergada Xalinta Khila... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|