|
|||||
WAJAALE NEWS
Hargeysa : Dhakhaatiirka Cisbitaalka Qudus oo ku guulaystay Qalliin halis ah iyaga oo Hooyo Bukaan ah Caloosheeda ka soo jaray Buro wayn oo Culayskeedu yahay 6 Kiiloo.
July 25, 2013 - Written by Wariye:
Ma aha Qalliinkii ugu horeeyey ee noocan oo kale ah oo uu Cisbitaalkaasi fulliyey, hasa yeeshe, waxa kan ka horreeyey Qalliino kale oo uu cisbitaalku uu fulliyey, sida uu sheegay Prof. Cabdi Jaamac oo ka mid Masuuliyiinta Cisbitaalka Qudus oo Maanta la Hadlayay Telefishanka Madaxa Bannaan ee Bulsho Tv, waxa uu sheegay in Qalliinkan aanay wax lacag ah ka qaadin ee ay si bilaash ah u fulliyeen, sidoo kale qalliinkani aanu ahayn kii ugu horeeyey noociisa oo cisbitaalkoodu uu fuliyo. Telefishanka Madaxa Bannaan ee Bulsho Tv oo Maanta halkaasi booqday waxa isaguna la hadlay Dhakhtar Abdalla Ahmed oo ka mid ah Masuuliyiinta ugu saraysa Cisbitaalka Qudus, ayaa isaguna geestiisa sheegay in qalliinkan ay fuliyeen Khubaro dhinaca qalliinka ah oo uu isagu dibada ka keenay si ay Bulshada Reer Somaliland uga caawiyaan cidii ka cabanaysa dhinaca qallinada. Dr. Amiir Rakhfanoof waa Dhakhtarkii fulliyay Qalliinka, waana Dhakhtar Ruusiyaan ah oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl gasha Cisbitaalka Qudus. Dr. Ammiir Rakhfanoof, waxa uu sheegay in ay ku guulaysteen Buradan kana gooyeen Caloosha Hooyadan Bukaanka ah oo ka cabanaysay Muddo Toban Sanno ah, Ugu dambayntii mid ka mid ah Ehelka Gabadhan la qalay ayaa Telefishanka uga sheekeeuyey Mudadii ay Xannuunkaasi la il darnayd.. waxa uu sheegay in Muddo Toban Sanno ah ay Hooyadani ka cabanaysay dhibta buradaasi isaga oo u Mahad naqay Masuuliyiinta Dhakhtar Qudus oo aan wax lacag ah ka qaadin ee ugu fullliyay si Mutadacnimo ah. Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland
Related posts:DAAWO: “ Hada Anaga Reer Booramoow Waxaa Na Wareeriyay Puntland Iyo Somaliland Idinkuna Waxaad Is W... URURKA SOLJA OO SOO SAARAY WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNT... Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Ayaa Maalinta Haweenka Ee 8 Da March Kulan Aqooneed U Furay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|