|
|||||
WAJAALE NEWS
DULMI-NECEB: Maanso Cusub oo uu Sammeeyey Abwaanka Da’da yar ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)
July 1, 2013 - Written by AuthorHargeysa (Wajaale News)- Maansadani waa Maanso Cusub oo uu Sammeeyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) waana tan ee Dhammaantiin Akhris Wanaagsan: Maansooy dareeneey Dacar iyo ladh oogmaay Inkastoon dakana iyo Dibindaabyo kugu qabo Marna la igu kaa duro Ragna iigu kaa dudo Kuma dayrin karayoo Duunyaabad ii tee Ii darar bal gaaxdii Rabi iigu kaa dara.
Labaan la isu dari Karin Degel ruuxa wada furay Dannigiisu muu garan Inay kala dibboodaan Weheshiga dirsoociyo Qarannimo dan mida lihi
In qabyaaladii dura Saddexdii dalaaqood Lagu siiyo duuduub Waynagii dorraaduun Qallinada ku duugnaye Sawtan doonnan ee weli Xisbiyada dumaashii Dunta loogu wada xidhay Geedigii diyaarkii Dib maxaa u soo furay Buladkiyo dabayshii Iyo lama-degaankii?
Doorashooyinkeenii Dubaaxdoodu yaab lee Hungo lagu dar leefiyo Hibashiyo ka sii daran Noqotaye xaggay deri Dawakhnaye ka leedahay.
Dimuqraadinimadii Dihataye hadday tahay Doqonkani fariidka ah Dirataye ha ii dudin Dacartani macaanka ah Dalbataye dibnaa saar Durduradan harraadka ah Dul degtaye ku oon beel Digo-rogashadeenaa Sahan li’ dullaantoo Wanqalkeedu dalabiyo Dudmo uun ku koobnaa.
Maxaad doontay ee dana Maxaad diiday ee daran Maxaad door-bidee mudan Maxaad deyrisee hadhay Go,aan duunka weeyee, Horta daacad maad tahay.
ninka doortay wadarnimo, dhidar doori lagu yidhi, gudin daabku maqan yahay qof dalaaqay garashada,
Danyartiyo saboolkii Deyntii ma siiseen Mise duunyadoodii Weli way dawarayaan? .
Miyuu yimi damiirkii Duday ee maqnaan jiray Saw weli dalluuntii Dadnimadu ma hoos taal ?
Dulmigii miyuu furay Daacadii u mehersaday Saw weli daryeelkii Daranyada ma tuugsado?
Damacii miyuu nacay Daribtii agoomaha Dibjirkii gidaarada Saw weli ma daadsana ?
Hankiinii miyuu duray Dulligii u qaayibay Saw weli duqaydii Dufankii ma raadshaan ?
Xaqsoorkii ma deyraa Mooradiisu duugnayd Saw weli dillaalkii Dulmanaha ma dala’sado?
Ma shalay dullaameen Ma xalay dayoobeen Saakana ma diifbaa Ma dulmay ku noolyiin Sidii loo dulleeyaa Weli loo dul yaallaa
Golayaashii dabatadu Xeerar aan la deyinoo Duuduub ku dhaafaa Waa dabeecadoodee Ka daree ma maantay Dacartiyo dhunkaashii Darsadeen wadaamaha?
Damiirlaawayaashii Ma maantay ku doodeen Marka aan ka daadago Xilka duudka ii sudhan Danyartaan ka baaqsaday Doorkay filaayeen Deyr-cadkooda weyda ah Aan ka sii dareersado.
Waxay nooga digayeen Saw kuwan ku daakiray Xaaraantii duufkii Goormaa daliilkani Xalaaleeyey soo degay Kabo-qaad digreetiyo Lagu keenay daadihin Ma anaa dadweynaha Duunyadooda hoo idhi
Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|