|
|||||
WAJAALE NEWS
19 Qof Oo Dabdamiyayaal Ahaa Ayaa Ku Geeriyootay Dab Ka Ka Holcaya Kaymaha Yarnell Hill Ee Gobolka Arizona Dalka Mareykanka.
July 2, 2013 - Written by Wariye:
enitor-ka gobolka Arizona ayaa uxaqiijiyay wakaalada Wararka AFP wuxuuna sheegay in shaqaalaha Dab-demiska ay ku geeriyoodeen dab xoogana oo malinimadii shalay ka soconaayay duurka Yarnell Hil waqooyiga magaalada Phoenix. Dabkan oo illaa iyo hada la joojin la’a yahay ayaa burburiyey gebi ahaan hal tuulo, waxaana sidoo kale hada qax xoogan ka socdaa tuulooyin kale oo badan oo uu dabkaasi kusoo dhawaaday. Dabka ka soconay Yarnell Hill ayey wararku shegayaan iney sii xoogeysanayeen saacadahii dambe ee xalay iyadoo dabka uu kusii baahay qeybaha kale. Dowlada Maraykanka ayaa amar ku bixisay in dadka ka ag dhaw goobaha uu dabka soo gaaray inay guryahooda isaga baxaan. Barakac ayaa ka dhashay waqooyiga magaalada Phoenix iyadoo dadka udhow keymaha Yarnell Hill ay bilaabeen iney isaga baxaan xaafadaha ay deganyihiin maadama dabka uusii balaartay.
Related posts:Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Hambalyo Munaasibada CIIDAL FIDRIGA Awgeed U Diray Dhammaan Shacabka... Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo Shaaciyay Jidwalka Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Iyo Sida Ay Ukala... Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley AYaa Ceelbiyood U Qodaya Dadka Daga Deeganka Laaca ee Ka Tirsan Gob... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|