Madaweyne Siilaanyo Oo Golihiisa Xukuumada Ku Sameeyey Wax Ka Bedel, Magacaabis Iyo Xil Ka qaadis.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaweyne Siilaanyo Oo Golihiisa Xukuumada Ku Sameeyey Wax Ka Bedel, Magacaabis Iyo Xil Ka qaadis..
June 25, 2013 - Written by Author

Dr.-SiilaanyoHargeysa(Wajaale News)-  Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin ku soo saaray Xil Magacaabis, Isku bedel iyo Shaqo ka nisin. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed xalay goor dambe ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada SL, waxa uu Madaxwaynuhu xilkii ka qaaday qaar ka mid ah Wasiiradii ugu Miisaanka cuslaa Wasaaradiisa isaga oo u bedelay Meelo kale, sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu Golaha ku soo daray qaar ka mid ah Siyaasiyiin Miisaan Culus ku leh Axsaabta Mucaaridka ah kuwaasi oo uu ka mid yahay Siyaasiga Cali Maxamed Waran-cade oo uu u Magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha, waran-cade waxa uu ka mid ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.

Warsaxaafadeedkan oo dhamaystirani waxa uu u qornaa sidan:

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen laga bedelay.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

Title-ka Magaca
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame
Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees
Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

 

WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-

 

S/No. Title-ka Magaca
Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)
Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar
Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta) Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) Abiib Diiriye Nuur (Timacade)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)
Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA

NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-

 

Title-ka Magaca
Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga Aaden Diiriye Cigaal
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

COMMENTS
LINKS