|
|||||
WAJAALE NEWS
INTA WASIIR XIRSI GABAYGIISII LAGA JAWAABAYO MAXAA LOOGA GABYI WAAY AY TAHRIIBKA IYO DHIBAATOOYINKA WAAWEYN EE KA JIRA DALKA
June 3, 2013 - Written by Wariye:WAJAALENEWS.NET (WJN) Waxaad in badan aad ku arkaysaa warbaahinta kala duwan dad badan oo u jawaabayo gabaygii xirsi markaasna waad la yaabaysaa dadkaas iyo macno daradooda iyo siday u ilaabeen inay dadkooda/dalkoodii guud u gabyaan laakin u gabyay qof gaara oo aan hore u gabyin ama aan gabyaa u ahayn ……………………………………. Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan siday cidkasta oo somaliland ah u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .
Maxaa yeelay marka aad gabay ka jawaabaysid is waydii muxuu faaido leeyahay ma cid gaara ayuu ku socdaa mise cidkale ma la soo dhawayn doonaa ,mise waa laga soo hor jeedsan doonaa. Gabaygaagu ma yahay mid dhaxal gala mise waa mid aad dan gaara aad ka leedahay .hadaba waxaan la yaabay dad waaweyn oo og xaalada dalka ka taagan iyo dhibaatooyinka tahriibka, shaqo la,aanta oo intay iska indho tiraan dhamaan dhibaatooyinkaas oo u baahab In laga gabyo u gabyaya wasiir xirsi una jawaabayo xirsi oo isagu ah nin khabiir ku noqday sida dadka loo mashquuliyo iyo sida dadka looga shaqaysiiyo. Intaa ka dib waxaan u sheegayaa bulshada kala duwan ee reer somaliland inaanay ku mashquulin waxaanay dani ugu jirin laakin lagu mashquulo wax dan u ah dad iyo dalba loona gabyo dhamaan dhibaatooyinka waaweyn ee dalka ka socda taasina waxay kor u qaadaysaa sharaftaada iyo ito dalkaba .laakin ogow sharaf kuma yeelanaysid inaad wasiir xirsi xirsi u gabaydid . Bal is waydiiya dhamaan intii u jawaabtay xirsi wax darajaa ma hesheen oo ma isagaad ka hesheen mise dadka kale keebaa idiin qaalisan xirsi iyo dadka . waxaad markasta aad ku lumisaaa wakhtigaaga qaaligaa wax dan guuda oo aanay cidna kugu nacayn waligaan. Intaasi ha iga noqoto canaan ee iga raali ahaada cidkasta oo dhibsata. Waligaaa ka qayb qaada gabayada wacyi galinta ah ee dadkaaga anfacaya. Waligaana cidkaagara ha iska dhaadhicin ee cid guud iska dhaadhici. Xirsi iyo gabaygiisana waxa ka wanaagsan inaad ka gabaydid gabay wacyi galina oo ku saaabsan tahriibka iyo shaqo la,aanta sida loogu dulqaadan karo.
Farhan Mohamed Hassan (Rakad) Email: farxaanmxd@gmail.com TELL: 063–4400319 WAJAALENEWS.NET COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|