Guddida Xalinta Khilaafaadka oo ay Weheliyaan Salaadiinta Sacad Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida qaban qaabada Shirka Hoodaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Xalinta Khilaafaadka oo ay Weheliyaan Salaadiinta Sacad Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida qaban qaabada Shirka Hoodaale
June 29, 2013 - Written by Author

Img00143Hargeysa (Wajaale News)- Guddida Xalinta khilaafaadkaSalaadiinta Sacad Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida Qaban qaabada Shirka oo dhan 39 xubnood

Salaadiinta Beesha Sacad Muuse iyo Guddida xalinta khilaafaadka beesha ayaa Shir balaadhan oo ay saaka ku qabteen Huteelka Maan-soor kaga dhawaaqay Gudida qaban qaabada Shirka Sacad Muuse oo dhan 39 xubnood, kuwaasoo laga soo xulay Tusmooyinka beesha Sacad Muuse.

Kulankan lagaga dhawaaqay guddida qaban qaabada Sacad Muuse waxa laga soo jeediyay qudbado hogo tusaalayn ah oo guddida lagu farayo in ay sida ugu haboon uga soo baxaan qaban qaabada shirka Beesha Sacad Muuse, isla markaana waxa ay fareen dhamaan beel weynta Sacad Muuse Gudo iyo Dibedba iyagoo ka dalbaday in Guddidaas lala shaqeeyaan.

Odayaasha, Salaadiinta, Culimada iyo Aqoonyahankii madasha ka hadlay oo kala ahaa gudoomiyaha Guudida Turxaan saarka Beesha Xildhibaan Muxumed Axmed, Xildhibaan Sheekh Khaliif, Cumar Boobe Xandulle, Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Mawliid Cali Sabaysa, Suldaan Xuseen Ismaaciil waxay ku dhawaaqeen guddida hoos ku qoran oo ay u aqoonsadeen guddida kali ah ee qaban qaabada shirka oo kala ah :-

1.Sheikh C/qaadir X Jaamac

2.Abiib Sheekh Cumar

3.Abshir Axmed Xasan

4.Dr: Axmed Cabdi Xuseen

5.Axmed Caduur C/laahi

6.Axmed Cilmi Samatar

7.C/raxmaan Abiib C/laahi

8.Axmed Ismaaciil Cismaan

9.Axmed Ibraahim Suldaan

10.Axmed Ismaaciil Saban

11.C/laahi Cabdi Muuse

12.Deeq Axmed Cumar

13.Maxamed Cilmi Xasan

14.Mire Sheekh Yoonis Axmed

15.Cali Meygaag Cilmi

16.Cumar Aw Jaamac Adhi-badane

17.Cumar Yuusuf Siciid

18.Ismaaciil Xuseen Cumar

19.Axmed Muxumed Cumar

20.Eng: Xaashi Cumar Cige

21.Ismaaciil Xaseenn Cumar

22.Khadar Ibraahim Dugsiiye

23.Maxamed Cabdi Daa’uud

24.Maxamed Cumar Askar

25.Maxamed Odowaa Cigaal

26.Muxumed Aw Xasan Cali

27.Muuse Obsiiye

28.Dayib Maxamed Rabiile

29.Yuusuf Cali Aadan

30.Siciid Cilmi Tukaale

31.Xasan Cismaan Bookh

32.Xasan Maxamed Cawaale

33.Cumar Maxamed Yey

34.Xuseen Maxamuud Axmed

35.Dr: Muuse Qaasim

36.C/risaaq Sheekh Aadan Cali

Dhamaan masuuliyiinta Beesha Sacad Muuse ee ka hadashay kulanka manta lagaga dhawaaqay waxa ay guddida qaban qaabada ka dalbadaeen mudada ay haystaan in ay soo diyaariyaan dhamaan shuruucda iyo Ajandayaasha shirka lagu hagi doono, oo ay ugu horeeyaan ururinta dhaqaalaha shirka lagu qaban doono.

Sidoo kale waxa laga sugayaa isku dubaridka dhamaan Agabka shirka lagu qaban doono oo dhan haddii ay tahay shaqaalaha Shirka, Sugida Amaanka, cayimida wakhtiga shirku socon doono, hogaanka shirka iyo Warbaahinta.

Shirka Beesha Sacad Muuse ayaa manta markale lagu celiyay inaanu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, isla markaana uu si rasmi ah u qabsoomi doono 17 bisha sideedaad ee sanadkan 2013-ka oo ku began ramadaanta kadib.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

COMMENTS
LINKS