Xildhibaano Mooshin Keenay Fadhigii Saaka Ee golaha Wakiilada jsl iyo Qaabkii sharci Ee loo Laalay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Mooshin Keenay Fadhigii Saaka Ee golaha Wakiilada jsl iyo Qaabkii sharci Ee loo Laalay!
May 24, 2025 - Written by Editor:

Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland  waxaa Golaha la keenay jawaab Celinta Sharci ee Mooshinadii Golaha la horkeenay taariikhdu markay ahayd 08/05/2025. laba mooshin oo kala ahaa;

  1. Soo jeedinta Mooshinka Mashruuc sharciga ee ku saabsan ka

qayb-galka shirarka iyo wada-hadalada la xidhiidha arrimaha

Somaliliya.

  1. Soo jeedinta Mooshinka wax ka badelka iyo kaabista Xeerka

Jinsiyada Xeer Lr 22/2002.

La-taliye Sharci Hibo Axmad Magan oo ka soo talla-bixisay mooshinka hore waxay sheegtay in Mooshnka ka qaybgalka Shirarka wada-hadaladaa Somaliland iyo soomaaliyada aanu mooshin ahaan waafaqsanayn Sharciga, isla markaana uu sidaas ku buray.

La-taliye Sharci Cabdiraxman Hirad Jaamac oo ka soo talla-bixisay mooshinka danbe wuxuu sheegay in Mooshinka Wax ka badelka Xeerka Jinsiyadu waafaqsa yahay Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo Xeerarka kale sida ka muuqata Warqadan hoose.

Sidaas darteed, wuxu Gudoomiyuhu sheegay in Mooshinka wax ka badelka Xeerka Jinsiyada loo gudbinayo Gudidda Arrimaha Gudaha.

COMMENTS
LINKS