|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Xasan Dhuxul Oo Kulan La Qaatay Maayarka (Duqa) magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka.
May 14, 2025 - Written by Editor:Waxaan (), hoolka shirarka ee magaalada Minneapolis (City Hall), igu qaabilay, Maayarka magaalada Minneapolis, Mudane Jacob Frey. Kulankaas oo ay igu wehelinayeen xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee gobolka. Maayarka ayaa soodhoweyn ka dib waxaan iska waraysannay xidhiidhka, iskaaashiga, iyo mabaadiidda maamul ee ka dhaxeeya labada dal ee Maraykan iyo Somaliland, sida hannaanka dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda aadamaha, iyo suuqa xorta ah. Maadaama aannu labaduyaduba nahay mudanayaal lagu doortay cod bulsho, waxaannu iska waraysannay hannaanka dimuqraaddiga ee Somaliland, sida uu u korayo, bogaadinta iyo taageerada uu mudan yahay.
Aniga oo ku guda jira booqashadaydii dalka maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota, oo aan hadda ku suganahay, waxa aan kulamo badan la qaatay jaaliyadda Somaliland iyo guud ahaan bulshada Somaliyeed, kalana kulmay maamuus, soodhoweyn iyo niyadsami aad u ballaadhan. Dhanka kale, waxaannu Maayarka ka wada hadalnay, sidii ay magaalada Minneapolis taagero iyo iskaashi ula samayn lahayd magaalooyinka Somaliland ee iyagana ay maamulaan gole degaan iyo Maayir la doortay. Si gaar ha waxa aannu isu dul taagnay sidii ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa uga taageeri lahayd arrimaha kaabayaasha dhaqaale, degsiimo-wanaagga iyo caqabada dabdemiska oo culays badan inagu haya. Waxa aan Maayirka u fidiyay casuumad uu dalka ku yimaaddo iyo codsi ah in uu soo booqdo Somaliland. Wuxuu ii sheegay in uu qorshaha ku darsan doono. Ugu dambayn, waxa aannu Maayirka ka sheekaysannay doorka shariifka ah ee guud ahaan bulshada Soomaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo Maraykanba ay kaga jiraan kaalmaha kala duwan ee nolosha. Kulankaas ayaa kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, ballan, isafgarad iyo iskaashi. Waxaan u mahadnaqayaa xubnaha jaaliyadda Somaliland ee kulanka igu wehelinayay iyo intii qaybta ka ahayd abaabulkiisa. Xildhiiban Xasan Saleeban Dhuxul (LAABSAALAX) Minneapolis, Minnesota, USA 12/May/2025. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|