Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Jsl Oo kormeer Shaqo Ku Tegay Saylada Xoolaha Ee Magaalada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Jsl Oo kormeer Shaqo Ku Tegay Saylada Xoolaha Ee Magaalada Hargeysa.
May 24, 2025 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in mudnaanta kowaad ay siinayaan daryeelka iyo caafimaadka xoolaha, maadama ay yihiin Laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland ku tiirsan tahay.

Wasiirka waxaa kormeerkaas ku wehelinayay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradaas, iyagoo si gaar ah u hubinayay xaaladda suuqyada xoolaha maadaama loo diyaar garoobayo Moosinkii xajka, oo kordhiya dhaqdhaqaaqa iibka xoolaha  iyo dhiirigelinta xoolo dhaqatada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu xusay in gaadiidka xoolaha qaada iyo doonyahaba qiyaas lagu saari doono si looga baaqsado in xooluhu is-cidhiidhyaan, isla markaana meesha ay uga baxdo bakhtigii xooluh.

Waxaanu yidhi.”Waxaan halkan uga mahadcelinaya hooyada halkan neefka ku haysa, neefka xidhaneysa ee carruurta iyo dadka kale ka sii dhex biilineysa.

Xukuumad ahaan waxa xil naga saaran yahay in aanu ka shaqeyno neefkan xoolaha ah, dariiqkasta oo uu marayo, caafimaadintiisa iyo meelkasta oo lagu xannaaneynayo inaynu daryeelo.

Aniga madaxweynuhu waxa uu ii direy waa xoolaha iyo dadka ka shaqeynaya, xeerka xanaanada xooluhu waxa uu dhigaya in la cabiro gaadhiga iyo doonida neefka xoolaha ah la saarayaba”

COMMENTS
LINKS