|
|||||
WAJAALE NEWS
Reer Somaliland Oo Bananbax Ballaadhan Kusoo Bandhigay Barxada Caanka ah Ee Trafalgar Square Ee Dalka Ingiriiska
May 24, 2025 - Written by Editor:London (W,N) Ururka dhalinyarada reer Somaliland ee “UK Somaliland Alliance” oo ah dhalinyarada qaban qaabiyay qabashada munaasibadaha 18-ka May ee dalka Ingiriiska iyo agaasimka xusaska muhiimka u ah Somaliland ayaa shaaciyay bananbax baladhan ku qabanayaan maalinta Axda 25 may Barxada caanka ah ee Trafalgar Square. Dhalinyaradan ayaa sheegay in ay barxada caanka ee Trafalgar Square ee magaalada London ku qabanayaan munaasibada Qaran ee xuska 18-ka May maalinta Axada ah, taasi oo si wayn la isugu soo baxayo, lana muujinayo madax bannaanida iyo gooni isu taaga Somaliland. Dalka Ingiriiska waxa ka socda dhaq-dhaqaayo ay wadaan xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi, kaasi oo ay doonayaan inay horgeeyaan Baarlamaanka mooshin lagu aqoonsanayo Somaliland. Related posts:Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta JSL Oo kulan la yeeshay Shirkadaha bixiya Adeega Isgaadhsiinta Iyo ... Xldhibaan Guruuje Oo Ka Hadlay Colaada Kasoo Cusboonaatay Ceel Afwayn Iyo Baaqa Uu Udiray Suldaanka ... Wada Hadalkii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Saaka Si Rasmi ah U Furmy Iyo Jawigii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|