Madaxweyne Kuxigeenka JSL Oo Xadhiga ka Jarey Ceel Biyood laga Hirgaliyay Deegaanka Daarasalaam | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Kuxigeenka JSL Oo Xadhiga ka Jarey Ceel Biyood laga Hirgaliyay Deegaanka Daarasalaam
May 29, 2025 - Written by Editor:

Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta sirasmiya xadhiga uga jarey ceelkii afraad ee loogu talo galey in lagu xoojiyo mashrcuuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa, oo dhammaaday.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u duceeyay muwaadinka bixiyay madasha laga qodey ceelkan, waxaanu sheegay in bulshada iyo xayawaankuba ay ka faa’ideysan doonaan biyaha ceelkani.

Sidoo kale waxa uu boggaadiyay hawsha ay bulshada u hayso wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu yidhi . “ILLAAHEYba mahadle isugu keen keenay inaynu xadhiga ka jarno ceelkii Afraad waa nimco ALLE inna siiyey, muwaadinka bixiyay goobtan ceelka laga qodeyna waanu u duceynayna, waxaanu ALLE haku barakeeyo beertaada.

Ceelkan waa in laga sameeya weel ay ka cabaan xayawaanaadka kala duwani, haddii maareeye kharashka aad wada bixin kari weydaan nala soo wadaaga, ALLE cirka madar khayrqaba haynaga siiyo.

Wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysa, waanu ku boggaadineyna hawsha ay hayso, markasta waa in laga fikiro sidii magaalada Hargeysa loo gaadhsiinlaha biyaha”

COMMENTS
LINKS