Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Kullan Is xog-warreysi ah La Yeeshay Madax dhaqmeedka Iyo Haldoorka Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Kullan Is xog-warreysi ah La Yeeshay Madax dhaqmeedka Iyo Haldoorka Gobolka Awdal.
May 19, 2025 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hogaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama ayaa qaabiley ,isla markaana kullan  is xog-warreysi ah la yeeshay Madax-dhaqameedka,wax-garadka iyo Wayeelka Gobolka Awdal.

Kulankaas oo ahaa mid xaal wareysi guud ah,ayaa lagu gorfeeyey arrimo la xidhiidhay nabadda iyo horrumarinta dalka sidii ay doorkooda uga qaadan lahayeen Madax-dhaqameedku,waxaana xusid muddan in madaxdhaqmeedka halkaasi hadalka iska daba qaatay ay ku dheeraadeen baahiyaha gobolka ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ugu horayntii u mahadnaqay madax-dhaqmeedka gobolka Gobolka Awdal iyo wax-garadka ,waxaanu xusay in Xukuumadda wada jir iyo wax-qabad ay Gobolka Awdal  hirgelinayso mashariic horrumarineed oo lagu diirsan doonno, isla markaana ay oofinayso ballan-qaad-yadii la sameeyey xiligii ololaha doorashada.”Shacabka Gobolka Awdal waxaan ugu bishaaraynaayaa in xukumada cusub ee Wadajir iyo Wax-qabad ay diyaar u tahay fullinta ballanqaadyadii wakhtigii ololaha doorashada.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in xukuumadda oo wada jir ay bilowday jidka mihiimka ah isku xidha Boorama iyo Baki, waxaanu xusay inuu dhammaan doonno jidkaasi dhawaan “Sidaad ka war qabtaan Wadadi Borama iyo Baki xukumaddu waxay bilawday 100 maalmood ee u horreeyey muddo xilleedkeeda dhawaana way dhamaan doontaa.”

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu busheereyey bulshada reer Awdal iyo guud ahaan-ba reer Somaliland dhismaha dekadda casriga ah ee Lughayaha,taas oo dhawaan la dhaggax dhiggi doonno, isla markaana la bilaabi doono

“Dhawaan waxa si rasmiya loo bilaabi doona dhismaha Dekedda lughaya oo noqonayn dhaggax dhi, balse markiiba hawsheeda ay xukuumaddu bilaabi doonto,Waanu ognahay mihiimada dekedda Lughaya ay u leedahay shacabka ka xukumad ahaan waxa naga go’an in dalka aan ka hirgelino kaabayaasha dhaqaalaha.”

Dhanka Kalena Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ka hadlay hawsha dhismaha jidka mihiimka ah ee isku xidhay Magaalooyinka Boorama iyo Lawyacaddo,waxaanu xusay inay dhawaan bilaabi dooonnaan

“Waxa iyadu meel fiican maraysa hawsha dhismaha Wadada Borama iyo lawyacado oo iyadna qiimaynteedii wey soo dhammaatay isla markaana hawsheedu waxay u bilaabmi doontaa sida ugu dhakhsiyaha badan”

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigenka ayaa kula dar-daarmay Madax-dhaqameedka iyo haldoorka Gobolka Awdal inay xukuumadda wada jir iyo wax-qabad kale shaqeeyaan arrimaha la xidhiidhay horrumarka dalka

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

COMMENTS
LINKS