Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Lagu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargaysa, Safar Uu Mudo Ugu Maqnaa Gobolada Bariga Kadib. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Lagu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargaysa, Safar Uu Mudo Ugu Maqnaa Gobolada Bariga Kadib.
May 7, 2025 - Written by Editor:

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo waftigii balaadhanaa ee uu hogaaminaayey  ayaa maanta (07.05.2025) si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa .

Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftiga uu hogaaminaayey ayaa  muddo ka badan 70 maalmood safar shaqo ugu  maqnaa Gobollada Bariga Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo weftigiisu waxa ay soo fuliyeen hawlo muhimmad weyn u leh dadka iyo dalalka, hawlaasi waxa ugu mudan Qaramadeynta Ciidamada Madaniga ah iyo  nabadda ay ka xidheen Degmada Ceel Afweyn.

COMMENTS
LINKS