|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Kulan la Qaatay Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley Iyo Nuxurka Arimaha Ay ka Wada Hadleen!
May 16, 2025 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada gabiey ayaa habeenkii xalay kulan la qaatayย madaxdhaqameedka gobolka gabiley kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen maamulka gobolka iyo ka degmada iyo masuuliyiin xukuumada katirsani.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kullan ballaadhan la yeeshay madax-dhaqameedka ,waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Gabiley. Kullankan ayaa ka qabsoomay madaxtooyada Gobolka Gabiley, kaas oo lagaga wadda hadlay arrrimo kala duwan oo la xidhiidhay nabada iyo horumarinta iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahayeen madax-dhaqameedku Ugu horeyntii Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley oo halkaasi hadalka iska daba qaatay ayaa siweyn ugu mahadnaqay Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xukuumadda cusub ee wadda jir iyo wax-qad oo ay ku amaaneen hawlihii Qaramaynta ciidamadij maddaniga ahaa iyo nabadda la soo xidhay ee Ceel-afweyn iyo jidka horrumarka ee ay dalka ku hoggaaminayso .
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si weyn ugu mahadceliyey cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley isaga oo hoosta ka xariqay in xukumada Wadajir ay waddo qorshaha balaadhan ee horumarinta dalka iyo dadka “Xukumada Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad waxa ka go’an inay ka shaqayso horumarinta bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha aas aasiga ee ka jira dalka. Madaxweyneku-xigeenkaJSL ayaa sheegay in Xukuumadda wada jir iyo wax-qad inay diyaar u tahay dheggaysiga tallooyinka iyo tusaalaha bulshadeeda”Xukumada Cusubi waxay diyaar u tahay inay dheggaysato dadkeeda isla markaana la tashato”. Ugu dambeyntii kullaankaas ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa . ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |