|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee Dalka Kenya!
May 30, 2025 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka Kenya (Speaker of the National Assembly), Mudane Moses Masika Wetangula.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo weli ku sugan dalka Kenya safar shaqo oo rasmi ah, ayaa kulan midho-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula.
Kulankaasi waxa Madaxweynaha ku wehelinayey xubno sare oo ka tirsan wefdigiisa, xildhibaano labada dhinac ka socday, iyo mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Nairobi. Kulankan waxa uu ku dhisnaa is-ixtiraam iyo aragti-wadaag. Qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wadahadlay waxa ka mid ahaa:
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula, ayaa dhankiisa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigiisa. Waxa uu si weyn u amaanay xasilloonida, nabadda, iyo dimuqraaddiyadda qaan-gaadhka ah ee ka hanaqaadday Somaliland. Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha u xaqiijiyey in Golaha Shacabka ee Kenya uu diyaar u yahay in uu yeesho wada-shaqayn buuxda oo dhex marta Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland. Sidoo kale, Guddoomiye Wetang’ula waxa uu caddeeyay in Golehiisu uu diyaar u yahay in uu hirgeliyo dhammaan tallaabooyinka iyo heshiisyada ay labada xukuumadood (Somaliland iyo Kenya) ku heshiiyaan. Ugu dambeyntii, labada dhinac waxay si wadajir ah u qireen muhiimadda ay leedahay in Baarlamaanadu noqdaan aalad dublomaasiyadeed oo xooggan si loo sii xoojiyo is-fahanka, loona dhiso buundooyin iskaashi oo waara oo u dhexeeya labada dal. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|