Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan Ballaadhan la Yeeshay Saaxiibada Somaliland Ee fadhigoodu Yahay Dalka Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan Ballaadhan la Yeeshay Saaxiibada Somaliland Ee fadhigoodu Yahay Dalka Kenya.
May 31, 2025 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ku sugan safarkiisii rasmiga ahaa ee uu ku joogay dalka Kenya ayaa  kulan ballaadhan la yeeshay Saaxiibada Somaliland ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.

Kulankan waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelinayey Xubnaha Wefdigiisa iyo mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.

Dhanka kale, Masuulyiintii ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray: Safiirro, Safiir ku-xigeeno, Hay’adaha UN-ka, Madaxda Bangiga Adduunka, Madaxda Bangiga Afrika, iyo  xubno sare oo ka socday Dalalka ay saaxiibka iskaashi leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaxiibada Somaliland  u jeediyey khudbad  taabanaysay  qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan dhinacyadda: Horumarka,  Nabbada, Dimuqraadiyadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, saaxiibada Somaliland ee shirka ka soo qayb-galay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanay ciidan beeleedyadii dhawaan ay Xukuumadiisu qaramaysay sida oo kalena ballan qaaday wada shaqayn tolmoon oo ku dhisan is-faham.iyo iskaashi.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS