Madaxwaynaha Jsl Oo Habeenkii Xalay kulan la Qaatay Jaaliyada Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Jabuuti Iyo Nuxurka Khudbad Uu Ujeediyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Habeenkii Xalay kulan la Qaatay Jaaliyada Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Jabuuti Iyo Nuxurka Khudbad Uu Ujeediyay!
May 23, 2025 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay khudbad qiimo badan u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee reer Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa u ku dheeraaday xidhiidhka Dhalasho, Dhiig, Dhaqan, Dhaqaale, Af iyo Taariikheed ee mideeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda weyn ee uu labada dal u leeyahay in ay yeeshaan xidhiidh adag oo walaalnimo, taasoo aasaas u ah wadashaqeyn iyo iskaashi joogto ah, walaalnimo, is ixtiraam, iyo ka wada shaqaynta arrimaha saamaynta ku leh labada dal ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Xukuumaddiisa iyo Shacabka Reer Djiboutiba si mug iyo miisaan leh uu ugaga mahad naqay soo dhaweynta wanaagsan ee lagu qaabilay isaga iyo weftigiisa.

Ugu danbeyn Madaxweynaha JSL waxa uu sheegay in Somaliland ay ka goโ€™an tahay sii xoojinta xidhiidhka ay la leedahay Jamhuuriyadda Djibouti iyo horumarinta aragti-wadaaga ee nabadda, horumarka, iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ