Madaxwaynaha Jsl Oo Galabta Dalka Dib Ugu Soo Noqday Iyo Wasiirka Warfaafinta Oo ka Warbixiyay Safarkoogii Dalka Jabuuti
May 23, 2025 - Written by Editor:
HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo muddo 3 cisho ah safar shaqo ugu maqnaa Jamhuriyadda Jabuuti, ayaa galabta ku soo guryo-noqday dalka.
Madaxweynaha JSL waxa Madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda.