Madaxwaynaha Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo safar shaqo ugu Anbo Baxay Dalka Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo safar shaqo ugu Anbo Baxay Dalka Kenya.
May 26, 2025 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Safar Shaqo oo qaadan doona muddo dhawr cisho ah ugu kicitimay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Safarka Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff). Sidoo kale, Madaxweynaha waxa ka sii horreeyey La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigiisu muddada ay ku sugan yihiin Nairobi waxa uu kulamo la yeelan doonaa Xukuumadda dalka Kenya ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne William Ruto, isaga oo kala hadli doona arrimo door ah oo mudnaan gaar ah u leh Qaranka JSL.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu kulanno gaar ah la yeelan doonaa Hay’adaha Caalamiga ah iyo qaar ka mid ah Safaaradaha Waddammada Dunida ee uu fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu muddada ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi waxa uu xadhiga ka jari dhismo cusub oo casri ah oo ay yeelan doonto Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.

COMMENTS
LINKS