Gar. Guuleed Dafac Oo Isbarbar Dhigay Sedexdii Xukuumadii Ee Somaliland iyo Siyaabihii ay Ula Dhaqmeed Madax Dhaqameedka + Halista Ay ku Yihin Dawladnimada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gar. Guuleed Dafac Oo Isbarbar Dhigay Sedexdii Xukuumadii Ee Somaliland iyo Siyaabihii ay Ula Dhaqmeed Madax Dhaqameedka + Halista Ay ku Yihin Dawladnimada
May 5, 2025 - Written by Editor:

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo la waydiiyay salaadiinta hawada iska maagaysa, waxa uu yidhi hadal micno balaadhan leh, balse u eeg inaan la dhaadin. Waxa uu tilmaamay in tartan ka dhex socdo dawladnimada iyo odayada madaxda ka ah qabiilada. Odayada reeraha hogaamiya waxa ay heleen buu yidhi awood. Awoodna cidina dee si yar kuma sii dayso, oo waa runtiiye. Labada kii adkaada, waa dawladda iyo nimanka qabiilada madaxda ka ah, ayaynu eegi, ayuu yidhi. Hadalkii si yaroo kooban buu ku dhameeyey.

Eeg, mar kasta oo dawladnimadu daciifto, meel madhani ma samaysanto ee cid baa buuxisa. Odayada reeraha madaxda u ah ee dadku u bixiyeen oday dhaqameed iyaga oo turjumay “traditional leaders” oo ah af shisheeye iyo aragti gumaysi oo aan xaqiiq ku dhisnayn, waxa ay buuxiyeen oo galeen halka ay bannaysay dawladdnimada Somaliland ee sii taagdaraanaysa. Iyana sidaas baanay eed ba ku lahayn oo way ku soo baxsatay.

Saddexdii xukuumadood ee u danbeeyey siyaabo kala duwan ayay u wajaheen madaxda qabiilada. Xukuumaddii Mudane Siilaanyo way soo dhowaysay oo way awoodsiisay, balse dawladda lafteeda ayaa awood lahayd. Sidaasdarteed, doorka odayadu uma xooganayn sida uu maanta  yahay. Xukuumaddii Mudane Muuse Biixi way iska fogaysay odayada reeraha, balse waxa ay dagaal la gashay hay’adihii dawladda (baarlamaan, maxkamado) iyo kuwii madaniga ah (sida xisbiyada) taasina si aan kutalo gal ahayn ayay u xoojisay odayadii reeraha madaxda u ah. Xukuumadda Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa ay u eeg tahay inay awood dheeraad ah siisay oyada reeraha u madaxda ah. Taasina waa halka hallistu taal waayo, duruufta maanta lagu jiro maaha tii 2010-2017. Dawladnimadu hada aad bay u liidataa, shacabkuna si wayn buu u kala qaybsan yahay. Mar kasta oo ay xukuumaddu awood siiso odayada reeraha, waa mar kasta oo ay iyadu is-majaxaabiso, bulshaduna sii kala qaybsanto. In hay’adaha dawladeed shaqeeyaan oo xilkooda ka soo baxaan, dadka u sinaadaan oo karti iyo hawlqabad laga arko, ayaa mudan.

Maxa xal ah?

Xalku ma aha in la sii xoojiyo odayada reeraha. Mana aha in dagaal lagu qaado waayo inay guulaystaan ba suurtagal ah haddii toos loola diriro. Xalku waa:

  1. In dawladnimada la xoojiyo oo ay shaqadeeda qabsato. Haddii dadku caddaalad helo oo hay’adaha caddaaladda ee Booliiska iyo garsoorku shaqadooda qabsadaan, loo sinaado dawladnimada oo aan madaxda dawladeed qolo noqon, doorka dawladnimada ayaa kordhaya.
  2. In madaxda dawladdu ka fogaadaan qabylaadda oo laga mamanuuco in la kobciyo qabyaaladda. Hada, wasiir ka tirsan xukuumaddan ayaa maalin cad la shiray reerkiisa oo ku yidhi, inta uu magacaabay xilka isaga loo dhiibay, inaga ayaa la inagu aaminay oo la inoo dhiibay (qabyaalad cad), hadana maalin kale wuxuu yidhi xeer baannu ka soo saaraynaa qabyaalada!! Laba is yeelaya maaha. Waa uun tusaale qoyan ee madax badani qabylaadda iyaga ayaa huriya, hadana ka cawda. Waxa iyaga laga arko maalin kasta, dadka kama wacdiyi karaan. Haddii aanay lahayn, hadalkayga qaado, oo ficilkayga ha qaadan!
  3. In xisbiyadda siyaasaddu joojiyaan murashixiinta golayaasha ee ay ku xidhaan taageerada reeraha iyo saxeexa caaqilka. Sannadkii 2021 ayaa tan lagu fashilmay. Sanadka soo socda, xisbiyadu ha ka joogaan xoojinta reeraha oo iyagu dadka ay rabaan ha xushaan.

Waa uun saddex ka mid ah siyaalaha ay tahay in loo wajaho masaladan. Waxa se cad in qaabka aynu maanta nahay aanu ahayn mid habboon oo ina wadi kara.

W/Q; Garyaqaan Guuleed Dafac.

COMMENTS
LINKS