|
|||||
WAJAALE NEWS
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ-๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง
May 3, 2025 - Written by Editor:Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u soo afmeeray Shirweynihii Nabadaynta Beelaha walaalaha ah uga socday deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag kaasi oo ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad taariikhi ah.
Shirweynahan Qaran ee nabadda Ceel-Afweyn ayaa waxa Madaxweyne-ku-xigeenka kala qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, maamulka Gobolka Sanaag, Culimaaโudiin dalka, hoggaannada Axsaabta Siyaasadda Qaranka, Xildhibaanno, wax-garad, Salaadiin, garaaddo iyo Aqoonyahanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo lagu soo afmeeray goโaamo wax ku ool ah oo si hufan looga baaraan degay. Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa gunaanadkii Shirka ka jeediyey khudbad qiimo badan oo dhinac-yo badan taabanaysa, isaga oo u mahad-naqay reer Ceel-Afweyn iyo cid walba oo ka shaqaysayย nabadda la soo xidhay ee Ceel-Afweyn, waxana uu yidhi: “Waxa aan doonnaynaa CeeL-Afweyn isku dan ah, isku dareen ah oo isku duruuf ah, balse aan kala dano iyo kalla doodo ahayn. Waxa aan jecelahay Ceel-Afweyn aan dhexdeeda dagaal iyo dil ka dhicin, waxa aanu doonnayaa in la arko Ceel-Afweyn oo la dagaalamaysa colaadda iyo dirirta tolka, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.โ Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in sababta loo doortay ay tahay isaga iyo Madaxweynaha in ay Bulshada u horseedaan nolol iyo horumarka oo ay saldhig u tahay nabaddu. Waxa xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah in aniga iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan, sababta dadkayagu codka noo siiyeen ay tahay in aan dadkayaga aannu nolol u samayno, noloshana waxa saldhig u ah nabad, nabaddana waxa adkaynayaa waa dawladnimo iyo sharciga.โ Ugu dambayntii Madaxweyne-ku-xigeenka JSL ayaa dar-daaran dhaxal-gal ah u guntay reer Ceel-Afweyn, isaga oo yidhi: “Dardaraankaygu waa in aan la arkin mar dambe oo aanay dhicin Ceel-Afweyn oo ay curadadeedu is dilayaan, oo aanay dhallinyaradu hubka isku urursan, haweenkuna waa in aanay asay madaxa saarin mar dambe, waa in aad gacmaha isku qabsataan nabada iyo horumarka Ceel-afweyn.โ
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |