|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland oo walaac ka muujisay maxaabiista Soomaaliya Geysay Muqdisho.
April 17, 2025 - Written by Editor:Wasaaradda Caddaalada JSL waxa ay war-saxafadeedkan ku muujinaysaa walaaceeda ku aadan afduubka ay kula wareegtay dawlada somaaliya qaar ka mid ah maxabiistii ku xidhnayd laascaanood, kuwaaso oo badankooda laga qabtay degaanada ku hareeraysan barriga sool ee rabshaduhu ka dhaceen. Dawladda Soomaaliya, waxa ay si badheedh ah u jebisay shuruucda caalamiga ah, kuwa mandaqada (Afrika), gaar ahaan Xeerka Saddexaad ee Heshiisyada Geneva (1949) ee ku saabsan Maxaabiista Dagaalka, gaar ahaan: Qodobka 12aad iyo Qodobka 118aad oo dhigaayo in dhammaan maxaabiista dagaalka sii dayntooda aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed ama cadaadis cid lagu saarayo. Maxaabiista dagaalka, sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah (international Humanitarian Law), waa in loo maro hannaan waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Haddaba, dawiadda Somaaliya, waxa ay maxaabiista u adeegsatay sifo siyaasadeed iyo mid cadaadis ay ku saarayso Jamhuuriyadda Somaliland, maadama ay maxaabiista lagu qasbay in ay xidhaan calan aan calankoodii ahayn. Sidoo kale waxa maxaabiista ka muuqatay dayac & daryeel la aan baahsan. Dawladda Somaliland iyo Somaaliya, ma jiro wax wada hadal ah oo dhex maray, kuna saabsan in maxaabiista labada dhinac la isku wareejiyo, balse waxa jira dedaallo Xukuumaddu JSL ay la wado hay’adda ICRC kaas oo loogu gogol-xaadhayo sidii maxaabiistaas la isugu wareejin lahaa. 𝐒𝐢𝐝𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐫𝐭𝐞𝐞𝐝,
ay ku wareejiyaan hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha maxaabiista lala kala wareego.
socdaan xaaladda guud ee maxaabiisa laascanood laga wareejiyey, isla markaana ku cadaadiyaan dawladda Soomaaliya inay joojiso faragelinta sharci darrada ah ee ee ka dhanka ah Somaliland.
nabadaynta iyo isku wareejinta maxaabiista. Ugu danbayn, dawladda somaliland waxa ay caddeyneysaa inay ka go’an tahay in la helo nidaam is fahan oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo lagula kala wareego maxaabiistaa.
𝒜𝓁𝓁𝒶𝒽 𝑀𝒶𝒽𝒶𝒹 𝐿𝑒𝒽 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫-𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐬 𝐀x𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐨𝐨𝐧𝐢𝐬 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|