|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Shirwaynaha Horumarinta Ganacsatada Yar Yar Ee Somaliland
April 29, 2025 - Written by Editor:๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe ee Somaliland. Shir-weynahan oo lagu qabtay Huteel Ambassador waxa soo agaasimay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
Ujeeddada guud ee Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe waxa uu ahaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-weynaha ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka goโan tahay in ay dadaal dheeraad ah geliso xoojinta dhaqaalaha dalka, iyo in uu horumarku noqdo mid ay dhammaan dhinacyada dhaqaaluhu isla jaan-qaadayaan. Madaxweynaha JSL mar uu ka hadlayay muhiimadda ay Qaranka u leeyihiin Ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe waxa uu yidhi: “Ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe ee dalku, horumar la taaban karo ayuu sameeyey muddadii uu Qarankani jiray. Waxaanu maanta yahay laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Waxa ay saami muuqda ku leeyihiin ilaha ay ka soo baxdo Miisaaniyada guud ee Qaranka JSL, iyo Miisaaniyadda degmooyinkaba.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tilmaamay in ay jiraan caqabado badan oo aan la dhayalsan karin oo hor yaalla ganacsatada dabaqadda dhexe iyo kuwa hoose ee dalka. Caqabadahaa waxa ka mid ah helitaanka fursadaha maalgelinta iyo deymaha oo ku adag, nidaamka maamulka ganacsiga iyo shuruucda oo mararka qaarkood xakame ku noqda ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan caqabadahaasi wax laga qaban doono, waxana uu yidhi: “Waxa aanu aaminsannahay in ganacsigu uu yahay jidka loo maro horumarka iyo badhaadhaha dalka, sidaas awgeed waxa aanu dib u eegis ku samayn doonnaa, meeshana ka saaraynaa caqabad kasta oo dib u dhigi karta abuurista ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.” Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in uu rajaynayo in Shir-weynahan Qaran ay ka soo bixi doonto natiijo ka turjumaysa hal-ku-dhigga loo dooray Madashan oo ah in la helo afkaarta lagu curinayo siyaasadda, aqoonta iyo maaliyadda lagu xoojinayo ganacsiyada yaryar iyo dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland si looga hor qaadoย caqabadaha hor yaalla. Ugu dambayntii, Madaxweynaha JSL, waxa uu faray Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Hay’adaha kale ee arrimaha ganacsiga la xidhiidhaba in ay kordhiyaan wacyigelinta bulshada taasoo muwaadiniinta lagu baraarujinayo in ay ficil ahaan iyo farsamo ahaanba yeeshaan dhaqan maalgashi iyo hal-abuur ganacsi. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |