|
|||||
WAJAALE NEWS
Kalfadhigii 13aad Ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo Si Rasmi ah U Furmay.
April 29, 2025 - Written by Editor:Kalfadhigii 13aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa saaka si rasmi ah uga furmay hoolka Golaha Deegaanka, iyada oo ay kasoo qaybgaleen badiba Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley. Fadhigan ayaa ujeedadiisu ahayd in mudanayaasha lagula wadaago warbixin guud oo ku saabsan Hawlaha maamulka, qorshayaasha socda, Iyo Diyaar-garowga munaasabadda 18-ka May oo ah maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Axmed Maxamed Axmed (Ciisood), ayaa furay kalfadhiga, isagoo xusay muhiimadda wada shaqeynta Golaha iyo maamulka fulinta ee degmadu u leeyahay horumarka deegaanka. Xildhibaanada ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu diyaar garoobeen la tacaalida waajibaadka horyaalla, iyo in si buuxda looga qaybqaato dabaal-degga 18-ka May Related posts:DAAWO;-Muuqaalka Askari Katirsan Ciidanka Booliska Oo Si Arxandaro Ah Ugaraacaya Qof Dumar Ah. “Haday Taladu Inaga Qaloocato Ka Ku Fadhiyaana Ku Fadhiyi Maayo Ka Kusoo Socdaana Waxba Kusoo Gaadhi... Ma Run Baa In Qoyska Madaxweyne Biixi Ay Dacwad Ka Dhan ah Faysal Cali Waraabe U Gudbiyeen Hay’adaha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|