|
|||||
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo ka Waramay Ujeedada Kulan Uu La qaatay Madaxwaynaha Jsl.
April 4, 2025 - Written by Editor:Jumca mubaarak!! Waxaan booqasho iyo salaan (courtesy visit) ugu tegay hoygiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro). Kulankaasi waxaa soo agaasimay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere). Madaxweynaha waxaa iskugu kaaya danbeysay bishii August 22 keedii, 2023 maalin Salaasa ah oo uu isagu sidan oo kale salaan iyo booqasho iigu yimid gurigayga ku yaalla magaaladda Hargeysa. Intii ka danbeysay anigu dalka waa ka maqnaa oo hawlo ii gaara ayaan ku mashquulsanaa, intii doorashadda ka danbeysay oo aan dalka dib ugu soo noqdayna waa la kala mashquulay oo weliba intii ugu danbeysay cimradda ayaan ku maqnaa. Kaftan iyo soo dhaweyn ka dib arrimo khuseeya qarankeena gaar ahaan xagga dibadda ayaanu iska waraysanay. Madaxweynaha oo si gobanimo iyo xushmad leh ii soo dhaweeyey Ilaahay xilka ha ku asturo, dalkeenana Ilaaha ha barwaaqeeyo, wa bilaahi tawfiiq iyo Jumca mubaarak. Waxaa sidaasi Baahiyay Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen. Related posts:DAAWO; Aqoonyahan Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ku Dhaliilay Nidaamka Ay Cashuuraha Uqaado Iyo Tirada Ma... War Degdega: Dawladda Ethiopia oo Xidhay Xuduudka ay La Leedahay Deegaanka Tog-Wajaale ee Somalilan... Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Sweden Oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Shacabka Jsl Munaasibada Xu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|