“๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š W๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š Q๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฅ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐š ๐ฎ๐ฎ ๐š๐ก๐š๐š ๐ก๐ฎ๐› ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ฅ๐จ ๐’๐ž๐ž๐๐ข, ๐’๐จ๐๐๐จ๐ , ๐€๐›๐ญ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ง๐š๐š๐›๐ญ๐ข…” ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š W๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š Q๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฅ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐š ๐ฎ๐ฎ ๐š๐ก๐š๐š ๐ก๐ฎ๐› ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ฅ๐จ ๐’๐ž๐ž๐๐ข, ๐’๐จ๐๐๐จ๐ , ๐€๐›๐ญ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ง๐š๐š๐›๐ญ๐ข…” ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹
April 13, 2025 - Written by Editor:

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad iyo Xildhibaano ayaa maanta Degmada Ceel Afweyn kaga qayb-galay Munasabad lagu qaramaynayey Ciidanka Maddaaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa bulshada reer Ceel Afweyn ku ammaanay doorka sharriifka ah ee ay ka qateen Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo sida kal furnaanta ah ee ay ula shaqaynayaan Xukuumadda cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah ee Ceel-afweyn ay ka duwan-tahay qaramayntii Ciidamada kale ee Maddaniga ah waxana uu yidhi:

“Qaramayntani way ka duwan tahay kuwii hore. Maanta waxa halkan lagu wareejiyey ciidan iyo gaadiidkoodi oo ku samaysmay talo xumo ka timiday reer Ceel Afweyn, waxana uu ahaa hub loo samaystay in lagu dilo Seedi, Soddog, Abti iyo Inaabti .โ€œ

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in ay ka goโ€™antahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad nabadaynta Ceel-afweyn.

“Nabadda Ceel Afweyn inta ay doonto ha nagu qaadato, kama tagayno ilaa nabad waarta la helo..”

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ