XOG CULUS; Maxaad Kala Socotaa Xadhig Go’an Oo Sababay Culayska Internet-ka Ee Laga Dareemay Afrikada Bari! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG CULUS; Maxaad Kala Socotaa Xadhig Go’an Oo Sababay Culayska Internet-ka Ee Laga Dareemay Afrikada Bari!
March 9, 2025 - Written by Editor:

Waxa go’ay xadhigga internet-ka badda hoosteeda mara ee adeega internet-ka gaadhsiiya Afrikada Bari, waxaanu dhaawacani gaadhay xadhig dhererkiisu yahay 15,000 km oo isku xidha Pakistan, Bariga Afrika iyo Yurub, magaciisana loo soo gaabiyo PEACE.

Warar tibaaxaya in xadhigaasi go’ay waxa xaqiijiyey Ben Roberts oo ka tirsanaa shirkadda Liquid Technologies. Waxaanu Roberts bartiisa X ku sheegay in xadhiga “PEACA ka go’ay dhinaca Badda Cas meel 1450 km u jirta goobta Zafarana, suurto galna ay tahay in hagaajinta cilladaasi qaadan doonto muddo dheer”.

Waxay xogta la helayaa tibaaxaysaa in xadhigu goobta uu ka go’ay ee u dhow Zafara ay dhaawac culus gaadhsiinasyo qaybta Masar iyo Singapore, gaar ahaan qaybta marta badda gudaheeda ee dhinac Sudan.  Waxaanu xadhigu go’ay 4 March 2025 abaaro 2:46 daqiiqo saacadda Afrikada Bari.

Macaamiisha isticmaasha internet-ka xadhigan badda hoosteeda mara ayaa xawaaraha internet-ku aad gaabis ugu noqon doonaa, awoodiisuna daciifaysaa. Waxa lagu wadaa in shaqada dib u kabidda xadhigani socon doonto ilaa badhtamaha bisha April 2025. Hadaba si adeegu internet-ku aanu u wada go’in ayaa inta hawsha dayactirku socoto waxa adeega internet-ka loo wareejiynayaa xadhkihii hore ee gaboobay.

Dhanka kalena, xadhigga isna isku xidha  Asia-Afrika-Europe-1 (AAE-1) ayaa sidoo kale isna ka go’ay meel Badda Cas gudaheeda ah. Xadhigan oo isaga qudhiisana ay ku socotay hawl dayactir ahi ilaa bishii Diisember ee 2024 oo markiisa hore ba culays ku keenay adeegga internet-ka ee mara.

Macaamiisha isticmaasha adeegyada internet-ka ee ku xidhan xadhkahan ayuu la soo dersay adeeg gaabis ah oo loo soo mariyo shabakadaha Bariga Dhexe taas oo keentay in culays kale fuulo isla shabakadahaa looga soo talaalayo adeegga.

Hadaba xadhiga xanbaara internetka bada hoos mara  ee ka go,ay badda cas ayaa wuxuu saameeyay dalal ay kamid Tahay itoobiya oo internetku uga gudbi jiray xuduudka ay la wadaagto Somaliland ee wajaale kaasi oo ay leedahay shirkada Somcable ee ganacsade Maxamed awsiciid Taasi oo xiligan uu ku yimid culus kazoo waajahay  dalka itoobiya. Wallow aanay wali ka hadal shirkada Somcable ee fahigeedu yahay caasimada Somaliland ee hargaysa.

HALKAN KA EEG XOGTA WARKANI;

https://techweez.com/2025/03/06/peace-submarine-cable-cut/

PEACE Submarine Cable Cut Disrupts East Africa

COMMENTS
LINKS